28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey qorshe culus oo ku saabsan Somalia

Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Golaha Amniga Qaranka ee dalka Turkiga ayaa xalay ansixiyey duullaan ka dhan ah kooxaha argagixisada ee ka dagaallama Soomaaliya, si loo dhaqaajiyo ajendayaasha labada dal, kuwaas oo ay kooxahaasi caqabad weyn ku yihiin.

Kulan xasaasi ah oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa lagu ansixiyey in Turkigu qaado duullaan degdeg ah oo ku wajahan argagixisada Soomaaliya, taasoo ka dhigan in ciidamo Turki ah loo soo dirayo gudaha Soomaaliya.

Qorshaha duullaanka la ansixiyey waxaa qeyb ka ah dalalka Suudaan iyo Liibiya, halkaas oo ay ka dagaallamaan kooxo ka soo horjeeda dowladaha rasmiga ah ee dalalkaas, kuwaas oo Turkigu taageero siiyo.

Soomaaliya waxaa bilihii lasoo dhaafay la sheegay in la keenay ciidamo hordhac ah oo Turki ah, kuwaas oo hadda la go’aamiyey in la kordhiyo, si ay ula dagaallamaan Khawaarijta.

Dagaalka ka dhanka ah argagixisada Soomaaliya waxaa Turkiga ku kallifaya qorshihiisa shidaal qodista oo uu dhawaan ka bilaabi doono deegaanada Galmudug iyo HirShabeelle.

Hadda waxaa la qorsheeyey in degdeg looga xoreeyo argagixisada dhulka labadaas dowlad-goboleed, si loo bilaabo qodista shidaalka Soomaaliya ee loo saxiixay Turkiga, kaasoo baaritaankiisa la soo gabagabeeyey.

Gabagabada toddobaadkan ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo in baaritaankii shidaalka ee baloogyadii lagula heshiiyey Turkiga la soo gabagabeeyey, iyadoo la bilaabi doono marxaladda qiimeynta.

Qiimeynta natiijooyinka baaritaanka kadib, ayuu Turkigu bilaabi doonaa qodista. Wararka hordhaca ah ee natiijada ayaa sheegaya in shidaal badan laga helay badda Soomaaliya, gaar ahaan qeybihii la baaray.

- Advertisement -

Read more

Local News