Moqokori (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal xooggan uu ka dhacay aagga degmada Moqokori, kaas oo u dhexeeyay ciidamada deegaanka ee Xawaadle iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaalka oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceelhareeri ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar gaadmo ah kusoo qaadeen deegaankaasi, kadibna waxaa dagaal kala hortegay Macawiisleyda.
Ilo dadka dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal qaraar oo saacado badan qaatay uu ka dhacay goobta, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in la jabiyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, isla markaana cashir lama ilawaan ah oogu dhigay aagga Ceelhareeri.
“Ciidamada Qaranka iyo xaq u dirirka dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa maanta Khawaarijta ku jebiyey weerar arbushaad ah oo ay ku soo qaadeen deegaanka Ceelhareeri oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo dagaal culus uu ka dhacay” ayaa lagu yiri warsaxaadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa intaasi ku dartay in haatan ciidamada Xoogga dalka iyo xaq-u-dirirka deegaanka ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka Al-Shabaab ee lagu jabiyay dagaalka.
“Ciidamada oo dagaalka ku jebiyey cadowga Khawaarijta ah ayaa sii baacsanaya firxadka dhagarqabayaashii ka baxsaday dagaalka,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.
Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada deegaanka iyo kuwa Xoogga dalka oo gurmad ahaa ku gaaay halkaasi.
Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda halgan culus oo ka dhan ah argagixisada, waxaana hubka qaaday shacabka reer Hiiraan oo difaac uga jiray jiidda hore ee dagaalka, si ay uga hortagaan in Al-Shabaab ay dib u qabsadaan deegaanadii horay looga xoreeyay gobolkaasi.