26.9 C
Mogadishu
Sunday, June 15, 2025

Halka xisaab ee ay khaldeen madaxda IRAN maalintii koowaad ee weerarka Israel

Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha sare ee Iran waxay toddobaadyo u diyaar garoobayeen suurta-galnimada weerar uga yimaada Israel haddii wadahadallada nukliyeerka ee Mareykanka la isku mari waayo. Laakiin waxay sameeyeen hal khalad istiraatiiji ah oo aad u weyn.

Waxay si dhab ah u rumaysnaayeen in Israel aysan weerar qaadi doonin ka hor wareeggii wadahadallada oo la qorsheeyay inuu Axadda berri ah ka dhaco dalka Cummaan, sida ay sheegeen ilo xog ogaal u ah hoggaanka Iran. Waxay meesha ka saareen wararka sheegaya in weerar dhici doona, iyagoo u arkayay dacaayad Israa’iili ah oo loogu talagalay in lagu cadaadiyo Iran inay tanaasul ka sameyso barnaamijkeeda nukliyeerka.

Waxaa suurtagal ah in hubanti la’aantaas darteed, aan la hirgelin tallaabooyin taxaddar ah oo horey loo diyaariyay, sida ay sheegeen saraakiishaasi.

Warbixintan oo ku saleysan wareysiyo lala yeeshay lix sarkaal oo sare oo Iiraani ah iyo laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka, kuwaas oo dhammaantood codsaday in magacyadooda la qariyo, ayaa iftiiminaysa sida ay saraakiisha Iran u diyaar garoobeen kahor weerarkii ballaarnaa ee Israel ku qaaday dalkaasi Jimcihii, iyo sida ay ugu jawaabeen weerarkaasi.

Saraakiishu waxay sheegeen in habeenkii weerarka, taliyeyaasha milatarigu aysan u guurin xarumo ammaan ah balse ay sii joogeen guryahooda – go’aan ku noqday mid masiiri ah. Jeneraal Amir Ali Hajizadeh, taliyaha cutubka hawada ee Ilaalada Kacaanka, iyo saraakiishiisa sare waxay iska indhatireen amar mamnuucaya in saraakiil sare isugu yimaadaan hal goob. Waxay ku qabteen kulan degdeg ah saldhig milatari oo ku yaalla Tehran, halkaas oo Israel ku dishay markii ay beegsadeen saldhigga.

Markii la gaaray fiidnimadii Jimcaha, dowladda Iran ayaa bilowday in ay qiimeyso baaxadda khasaaraha ka dhashay weerarkii Israel ee billowday waaberigii isla maalintaas, kaas oo lagu qaaday ugu yaraan 15 goobood oo ku kala yaalla magaalooyin ay ka mid yihiin Isfahan, Tabriz, Ilam, Lorestan, Borujerd, Qom, Arak, Urmia, Qasr-e Shirin, Kermanshah, Hamedan iyo Shiraz, sida ay xaqiijiyeen afar sarkaal oo Iiraani ah.

Israel waxay burburisay inta badan awoodda difaaca cirka ee Iran, iyadoo baabi’isay raadaarro iyo nidaamyadii difaaca hawada. Waxay sidoo kale wiiqday awoodda dalkaasi u lahaa in si dhaqso leh uga falceliyo iyadoo adeegsanaysa gantaallo ballistic ah, waxayna dishay saraakiil sare oo muhiim u ahaa silsiladda taliska milatariga. Intaa waxaa dheer, qeybta dusha sare ee xarunta kobcinta nukliyeerka ee Natanz ayaa si weyn loo burburiyay.

Farriimo gaar ah oo lala wadaagay The New York Times ayaa muujinaya mas’uuliyiin si caro leh isu weydiinaya: “Xaggee buu jiraa difaacii cirka ee dalka?” iyo “Sidee bay Israel ugu suurtagashay in ay si xor ah u weerarto, u disho saraakiisheena ugu sarreeya, annaguna aanan waxba ka qaban karin?” Waxay sidoo kale su’aalo ka keeneen fashilka dhanka sirdoonka iyo difaaca ee horseeday in Iran aysan ka warqabin weerarka, taas oo sababtay khasaare baaxad leh.

“Weerarka Israel wuxuu si buuxda uga yaabiyey hoggaanka dalka, gaar ahaan dilka saraakiisha milatari ee ugu sarreeya iyo saynisyahannada nukliyeerka. Waxa uu sidoo kale muujiyay nuglaanta nidaamka difaaca cirka, iyo awoodda Israel u leedahay in ay beegsato xarumo muhiim ah iyo saldhigyo milatari iyadoo aan caqabad kala kulmin,” ayuu yiri Hamid Hosseini, oo ka tirsan guddiga tamarta ee Rugta Ganacsiga Iran, xilli uu khadka taleefanka kaga hadlayay Tehran.

Hosseini, oo si dhow ula shaqeeya dowladda, wuxuu sheegay in saraakiisha Iran ay si gaar ah uga naxeen sida Israel ugu suurtagashay in ay si qoto dheer ugu dhex milanto hay’adaha amniga iyo milatariga Iran.

Inkasta oo Israel muddo tobannaan sano ah fulinaysay weerarro sirdoon iyo dilal qorsheysan oo ka dhan ah barnaamijka nukliyeerka Iran, haddana weerarkii Jimcaha oo isku mar adeegsanayay diyaarado dagaal iyo howlwadeeno qarsoon oo dalka soo galay iyagoo lasoo galiyay qaybo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, wuxuu astaan u yahay heer cusub oo khatar ah.

Hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa loo raray meel aan la shaacin oo amnigeedu sugan yahay, isagoo halkaas kala xiriiraya saraakiisha sare ee milatariga. Wuxuu khudbad telefishanka ka jeediyay isagoo ku eedeeyay Israel in ay “dagaal ku dhawaaqday.” Wuxuu ballan qaaday aargudasho, iyadoo isla waqtigaas Iran billowday dhowr mowjadood oo weerarro gantaallo ah oo ku wajahan Tel Aviv iyo Qudus.

“Ha moodin in ay weerareen oo ay sheekadu dhammaatay,” ayuu yiri Khamenei. “Maya, iyagaa bilaabay dagaalka. Iyagaa huriyay. Annaga ma oggolaan doonno in ay dembigan ka baxsadaan iyagoo aan la ciqaabin.”

Subaxnimadii Jimcaha, Golaha Sare ee Amniga Qaranka – oo ka kooban 23 xubnood – ayaa isugu yimid kulan degdeg ah si ay uga tashadaan jawaabta Iran. Sida ay sheegeen laba mas’uul oo xog ogaal u ah kulanka, Khamenei wuxuu muujiyay rabitaanka aargoosi, balse wuxuu uga digay saraakiisha in aysan ku degdegin go’aan qaadashada.

Khilaaf ayaa ka dhex dillaacay saraakiisha kulanka ku sugnaa, iyadoo ay isku khilaafeen goorta iyo sida ay Iran u jawaabi karto, iyo in ay awoodi doonto dagaal dheer oo ay la gasho Israel – mid laga yaabo in uu Mareykanku ku lug yeesho – maadaama difaaca iyo awoodda gantaallaha Iran si weyn loo burburiyay.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in haddii Israel jawaab uga bixiso weerar ku wajahan kaabeyaasha dhaqaalaha Iran sida xarumaha biyaha ama tamarta, ay sababi karto bannaanbaxyo ama rabshado.

Xubin ka tirsan Ilaalada Kacaanka oo la socday kulanka ayaa sheegay in saraakiishu ay fahmeen in Khamenei uu wajahayo go’aan masiiri ah – mid noqon kara midka ugu halista badan tan iyo markii uu xukunka qabtay 40 sano ka hor. Wuxuu haystay laba ikhtiyaar oo qaraar: inuu dagaal sii huriyo oo halis galiya xukunkiisa, ama inuu ka laabto, taas oo laga yaabo in gudaha iyo dibadda labadaba lagu fasirto guuldarro.

“Khamenei ma haysan ikhtiyaar fiican,” ayuu yiri Ali Vaez, agaasimaha mashruuca Iran ee hay’adda International Crisis Group. “Haddii uu xaalada sii kiciyo, wuxuu halis ugu jiraa weerar Israel oo ah mid ka sii ba’an kii hore– kaas oo Mareykanku ku biiri karo. Haddii uu uusan jawaabin, wuxuu u muuqanayaa hoggaamiye tabar-daran oo xukunkiisu daciifay.”

Ugu dambeyn, Khamenei wuxuu amar ku bixiyay in ciidanka Iran ay gantaallo ku ridaan Israel. Qorshihii hore wuxuu ahaa in la gano ilaa 1,000 gantaal ballistic ah si loo daciifiyo difaaca cirka Israel loogana gaaro burbur ballaaran, sida ay sheegeen laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka. Si kastaba ha ahaatee, weerarkii Israel ku qaaday saldhigyada gantaallaha ayaa ka dhigay mid aan suuragal ahayn in gantaallada si degdeg ah loogu raro lana geeyo meelaha laga rido.

Ugu dambeyn Iiraan ayaa billowday weerar gantaallo ah, waxaana la rumeysan in illaa hadda ay Israa’iil la beegsadeen in ka badan 250 gantaallo ballistic ah, Bariga Dhexe-na wuxuu galay dagaal.

- Advertisement -

Read more

Local News