Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo ka qeyb galay gogosha wadatashiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu fidiyey ayaa farriin u diray xubnaha mucaaradka ah ee ka maqan gogosha, isagoo duray mucaaradka.
Xundubey ayaa sheegay in shirkaan ay joogaan dad muhiim ah doodihii loo baahnaa ee wax dhisi lahaana ay ka socdaan, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta maqan in ay gogosha yimaadaan oo aragtidooda ku biiriyaan wadatashaga qaran ee Muqdisho ka socda.
“Madaxda Shirka ka maqan haddii ay maanta Villa Somalia joogi lahaayeen waxa ay Xasan Sheekh ku eedeynayaan iyo ka badanba way sameyn lahaayeen, sideedaba siyaasaddu wax la isku raacsan yahay 100% maba jirto,” ayuu yiri Xundubey.
Wasiir hore Xundubey oo kasoo mid noqday xukuumadii Farmaajo ayaa Ra’iisul Wasaare hore Cali Maxamed Geedi ku amaanay dowlad jaceylka uu astaanta u noqday, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisul Wasaarayaashii hore uu kaligiis gogosha ka joogo.
“Xukuumaddii hore ee anigu aan ka tirsanaa iyo tanba sida uu u taageersan yahay oo mar kasta dowlad jaceylka u muujiyo waan ku amaanayaa Cali Maxamed Geedi, ragga maqana dowladda ayaa laga rabaa inay keento, ciddii lagu qanci waayo inay timaado, waxaa ka mudan inta timaada ee aragtidooda gogosha keenta,” ayuu yiri Xasan Xundubey.
Wuxuu sheegay in siyaasaddu ay xarigjiid tahay, balse ay qalad tahay in xarigga la jaro, “raggaas warbaahinta ayaa u furan hadii ay gogosha diideena, halkaas ayey ku soo gudbi doonaan aragtidooda, laakiin ma aheyn inay gogosha ka baaqdaan,” ayuu yiri.
Sidoo kale Xundubey ayaa ka hadlay muranka ka taagan dastuurka, isagoo sheegay in waddo sax ah loo maray shaqada socota ee dhameystirka dastuurka.
“Golayaasha sharci dejinta ayaa gacanta ku haya shaqada dastuurka waa in ayaga looga dambeeyo, walabka ma jirin dastuur Soomaali isku raacsan tahay, hadana golayaashii wax ay soo qabteen inta la diido in wax kale la raadiyo shaqadii dastuurkana la cuuryaamiyo sax maaha,” ayuu yiri Wasiir hore Xasan Xundubey.
Hoos ka daawo