26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Ilhaan Cumar oo war quus ah kasoo saartay Mareykanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay xaaladda uu wajahayo dalkaasi, iyada oo jeedisay eedeymo culus oo la xiriira halka uu haatan ku socdo Mareykanka

Ilhaan oo sidoo kale tirsan xisbiga Dimuqraadiga, kuna metasha gobolka Minnesota ayaa shaaca ka qaaday in hadda Mareykanka uu noqday mid kamid ah dalalka ugu xun caalamka, isla-markaana ay meesha ka baxday dimuquraadiyaddii lagu amaani jiray.

Gabadhan oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliay ayaa sheegtay in ay kusoo kortay waddan uu ka jiray nidaam kaligii taliye ah, balse maanta ay kasii daran tahay xaaladda Mareykanka, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxaa kale oo ay soo hadal qaaday rabshadaha ka socda qaybo kamid ah waddanka iyo tallaabooyinka milatari ee la qaaday, kadib markii ciidamo dheeraad ah la geeyay jidadka waa wayn ee magaalada Los Angeles.

“Waxaan ku soo koray nidaam kaligii taliye ah, laakiin xitaa marnaba maan arag wax la mid ah waxa hadda ka socda Mareykanka. Dalkii lagu tilmaami jiray iftiinka dimuqraadiyadda ee caalamka ayaa hadda u ekaaday mid ka mid ah dalalka ugu xun, iyadoo ciidamada millatarigu waddooyinka joogaan iyagoo aan wax tixgelin ah u haynin xuquuqda dastuuriga ah ee shacabka.” ayay tiri Ilhaan oo bixisay wareysi lagu daabacay bogga YouTube-ka ee barnaamijka Democracy Now!.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Isniintii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu amar ku bixiyay in magaalada Los Angeles oo ay ka jiraan xasarado xooggan loo diro ilaa 700 askari oo ka tirsan Ciidanka Marines-ka, isagoo uga digay dadka ka mudaharaadaya xarigga muhaajiriinta inay “la kulmi doonaan ciqaab aan horey loo arag.”

Trump ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in illaa 2,000 oo askari oo dheeraad ah oo ka tirsan Ilaalada Qaranka la geeyo magaalada Los Angeles, si ay uga jawaabaan mudaharaadyada ka dhashay arrimaha socdaalka, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin Mareykan ah.

Tallaabadan aan caadiga ahayn ee lagu daabulay ciidamada milatariga ee buuxa ayaa kusoo beegantay iyadoo boqollaal kale oo ka tirsan Ciidamada Kaydka Qaranka (National Guard) ay horey u joogeen magaalada, taasoo sii hurisay xiisadda ka taagan Los Angeles oo leh bulsho Latino ah oo aad u tiro badan.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii mudaharaadayaal la wareegeen waddooyin ku yaalla bartamaha Los Angeles Axaddii, halkaasoo ay gubeen gaadiid iyo dukaamo dhac loo geystay, taasoo keentay in boolisku adeegsado sunta dadka ilmada ka keenta iyo rasaasta caagga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News