30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Sawirro: Golaha Wasiirrada oo ansixiyey sagaal qof oo loo xushay guddi muhiim ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulankoodii toddobaadka ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay 9 Musharax oo u tartamay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), oo ay soo gudbisay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in go’aankan lagu gaaray si waafaqsan xeer hoosaadka Golaha, Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo iyada oo la tixraacayo Qodobka 17aad, farqaddiisa (1) ee Sharci Lr. 16 ee 27 Juunyo 2016, kadib markii la sameeyay hab-raac xulid oo adag, hufan, oo daah-furan, si buuxanna u waafaqsan Qodobada 8aad, 15aad iyo 16aad ee isla sharcigaas.

“Murrashaxiinta waxaa lagu soo xulay iyadoo lagu saleynayo kartidooda, daacadnimadooda, iyo hufnaantooda, iyo iyada oo la raacayo habraacyada caalamiga ah, gaar ahaan Mabaadi’da Baariis iyo Gunaanadyada Guud ee GANHRI (Isbahaysiga Caalamiga ah ee Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ee Qaran),” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Xamsa.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban sagaal ayaa waxay kala yihiin:

1.⁠ ⁠ Axmed Shiikh Xamsa Abshir

2. Cali Maxamed Cilmi

3. Cumar Cabdulle Calasow, (PhD)

4. Dr Maryam Qaasim Axmed

5. Faadumo Cabdiqani Yuusuf

6. Farxaan Maxamed Jimcaale

7. Maxamed Cismaan Maxamuud, (PhD)

8. Maxamed Haaruun Maxamuud

9. Muumina Shiikh Cumar

- Advertisement -

Read more

Local News