24.2 C
Mogadishu
Wednesday, July 30, 2025

Itoobiya oo ku dhowaaqay dhameystirka biyo-xireenka Nile iyo Abiy oo Masar u sheegay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa Khamiistii sheegay in biyo-xireenka koronto oo muranka dhaliyay ee laga dhisay Webiga Nile uu hadda dhammaaday, taasoo guul weyn u ah dalkiisa, xilli uu khilaaf kala dhexeeyo dalka Masar oo ku saabsan qaybsi caddaalad ah oo biyaha ah.

Masar ayaa muddo dheer ka soo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn doono saamigeeda biyaha Webiga Nile. Dowladda Masar ayaa ku tilmaantay biyo-xireenka, oo loo yaqaano Biyo-xireenka weyn ee dib-u-curashada Itoobiya (Grand Ethiopian Renaissance Dam), mid khatar ku ah jiritaankeeda, sababtoo ah dalkan oo ah kan ugu dadka badan dunida Carabta ayaa si buuxda ugu tiirsan Webiga Nile si uu biyo u siiyo beeraha iyo dadkiisa oo ka badan 100 milyan oo qof.

Wadahadallo sannado badan dhex marayay Itoobiya iyo Masar ayaan weli horseedin heshiis, waxaana weli taagan su’aalo ku saabsan inta biyo ah ee ay Itoobiya usii deyn doonto dhanka hoose haddii ay abaari dhacdo.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo khudbad u jeedinayay xildhibaannada maalintii Khamiista, ayaa sheegay in dowladdu ay “isu diyaarinayso caleema-saarkiisa rasmiga ah” bisha Sebteembar.

“In kasta oo ay jiraan kuwa aaminsan in la carqaladeeyo inta ka horreysa xilligaas, waxaan mar kale xaqiijinaynaa ballanqaadkeenna: biyo-xireenka waa la caleema-saari doonaa,” ayuu yiri.

Abiy wuxuu sheegay in dalkiisu “ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa in horumarkeena uusan ku imaanin khasaaraha walaalaheenna Masar iyo Suudaan.”

“Waxaan aaminsannahay horumar la wadaago, tamar la wadaago, iyo biyo la wadaago,” ayuu yiri. “Barwaaqada mid ka mid ah waa inay ka dhigan tahay barwaaqo loo wada siman yahay.”

Itoobiya iyo Masar ayaa sannado badan isku dayayay inay heshiis ka gaaraan biyo-xireenkan oo ku kacay $4 bilyan, kaasoo Itoobiya ay bilowday dhismihiisa sannadkii 2011. Xiisadda ka dhalatay biyo-xireenka, oo ah kan ugu weyn Afrika, ayaa mar gaartay heerkii ugu sarreeyay, taasoo keentay in qaar ka mid ah falanqeeyayaashu ay ka baqdaan in labada dal ay ku dagaallamaan.

Laakiin Itoobiya waxay heshay taageero diblomaasiyadeed oo ay ka heshay waddamada webigu ka soo bilowdo sida Uganda, oo xarun u ah iskaashi goboleed oo ka kooban 10 waddan, kuwaasoo sannadkii hore saxiixay heshiis ku saabsan isticmaal caddaalad ku dhisan oo loo adeegsado kheyraadka biyaha ee Dooxada Webiga Nile.

Heshiiska iskaashigan, oo loo yaqaano Hindisaha Dalalka Dooxada Nile (Nile Basin Initiative), ayaa dhaqan galay bishii Oktoobar iyadoo aysan ansixin Masar iyo Suudaan.

Biyo-xireenkan oo ku yaal Webiga Niilka Buluugga ah (Blue Nile) meel u dhow xudduudda Suudaan, wuxuu billaabay inuu koronto dhaliyo sannadkii 2022. Mashruucan ayaa la filayaa inuu ugu dambeyn soo saaro in ka badan 6,000 oo megawatt oo koronto ah, taasoo laba jibaar ka badan wax-soo-saarka hadda ee Itoobiya, ayna ku filan tahay inay dalkan Bariga Afrika ee ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof ka dhigto mid dhoofiya tamar saa’id ah.

Biyo-xireenku wuxuu ku yaal qiyaastii 500 oo kilomitir (311 mayl) waqooyi-galbeed ee caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Dhererkiisu waa 1,800 mitir, jooggiisuna waa 175 mitir, waxaana ku xiran keyd-biyood qaadi kara ilaa 74 bilyan oo mitir kuyuubik oo biyo ah, sida uu sheegay qandaraaslaha ugu weyn ee dhisayay.

Itoobiya waxay ku adkaysanaysaa in biyo-xireenku yahay horumar muhiim ah oo ka caawin doona in malaayiin muwaadiniinteeda ah laga saaro saboolnimada, isla markaana uu ka dhigi doono dalka mid weyn oo dhoofiya tamarta.

Ma aysan suurtagelin in si degdeg ah looga helo faallo dalka Masar, oo muddo dheer ku doodaysay xuquuqdeeda biyaha Nile iyadoo cuskanaysa shuruudaha heshiis laga dhaxlay xilligii gumeysiga.

Heshiiskan oo dhex maray Masar iyo Boqortooyadii Ingiriiska ayaa siinayay dalalka dhanka hoose ee Masar iyo Suudaan xuquuqda biyaha Nile, iyadoo Masar ay qaadanaysay saamiga ugu badan.

Heshiiskaas, oo markii hore la saxiixay 1929-kii, laguma xisaabtamin dalalkii kale ee ku teedsanaa dooxada webiga, kuwaasoo dalbanayay heshiis ka caddaalad badan.

- Advertisement -

Read more

Local News