25 C
Mogadishu
Wednesday, July 9, 2025

DF oo beesha caalamka u caddeysay arrin aysan uga tanaasuleyn mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga wasiirrada ah ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh u xilsaaray soo qancinta iyo kala doodista arrimaha ay diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa Muqdisho kula kulmay wakiillada Beesha Caalamka ee C6+.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo ay wehliyaan Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka mudane Xasan Macallin Maxamuud, iyo Wasiirka Waxbarashada mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir, ayaa kulanka ku matalay dowladda federaalka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu yiri “Shirka ayaa si qoto dheer looga hadlay dhaqanka wanaagsan ee gogosha nabadeed, wadatashiga iyo dib-u-heshiisiinta, natiijada wadar-ogolka ahayd ee ka soo baxday shirka, iyo sidii horey loogu sii wadi lahaa dadaallada lagu qeybgelinayo qaybaha kala duwan ee siyaasadda iyo bulshada rayidka ah hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya.”

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in geeddi-socodka dowlad-dhiska lagu wado wadahadal, wadar-ogol, wadatashi, hufnaan iyo ka-qaybgal ballaaran oo bulshada ay ku leedahay go’aannada masiiriga ah ee qaran-dhiska.”

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, wasiirrada ayaa xubnaha Beesha Caalamka u gudbiyay mowqifka madaxda qaranka ee ah in aan dib loogaga noqon doonin qorshaha doorashada ee dowladdu dejisay, kaas oo ku saleysan nidaamka qof iyo cod, iyo sidoo kale dib u eegista lagu sameeyay afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka.

Wasiirrada ayaa sidoo kale Beesha Caalamka u caddeeyay in dowladda ay diyaar u tahay inay mucaaradka kala fariisato wixii farsamo ah ee u baahan in la isla eego.

Si kastaba ha ahaatee, waxay hoosta ka xarriiqeen in aan dib loogaga noqon doonin qodobadii la ansixiyay ee dastuurka iyo habraacyada doorashada.

Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ayaa dhawaan si la mid ah ula kulmay Beesha Caalamka, iyaga oo gaarsiiyay mowqifkooda ku aaddan kulamadii ay la yeesheen madaxda dowladda federaalka.

Mucaaradka ayaa xubnaha Beesha Caalamka u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ogolayn wadahadal dhab ah iyo inay talo ku yeeshaan doorashada iyo wax ka beddelka lagu sameynayo dastuurka.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa wasiirrada dowladda federaalka u sheegay in laga rabo inay ka shaqeeyaan wax lagu heshiisan yahay, ayna miiska keenaan Puntland iyo Jubaland si ay uga qayb qaataan ka talinta masiirka dalka, ka hor inta aan la guda gelin shaqooyinka haray ee dastuurka iyo doorashooyinka.

Dowladda federaalka ayaa toddobaadyo kahor Beesha Caalamka u caddeysay inay wax ka beddelayaan habka ay ula macaamili jireen Soomaaliya, iyadoo la muujiyay in dowladda aysan ogoleyn in lagula dhaqmo sidii ay Beesha Caalamku ula dhaqmi jirtay dowladihii hore.

- Advertisement -

Read more

Local News