Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa ballan-qaad culus oo la xiriira amniga, gaar ahaan ka hortagga qaraxyada u sameysay Dowladda Federaalka, kadib kulan gaar ah oo dhex-maray Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Danjiraha Shiinaha u fadhiya magaalada Muqdisho Mudane Wang Yu.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska Wasiir Fartaag ayaa waxaa aad oogu falanqeeyay xoojinta iyo adkaynta xiriirka ka dhaxeeya labada dal & sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashigooda.
Sidoo kale inta uu socday kulanka waxaa lagu soo qaaday amniga iyada oo Shiinaha ku dhawaaqay inuu Soomaaliya ka taageerayo khataraha miinooyinka la galiyo dhulka.
Danjire Wang Yu oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay taageerada midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isaga oo xusay in Shiinuhu ixtiraamayo qawaaniinta caalamiga ah ee si cad u qeexaya madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Danjiraha ayaa Wasiirka Amniga Soomaaliya la wadaagay in dowladda Shiinaha diyaarisay barnaamijyo isugu jira aqoon is-weydaarsi iyo aqoon kororsi, kuwaas oo lagu taageerayo howlaha miina baarista, tababarrada ciidanka, iyo kor u qaadista xirfadaha iyo aqoonta Booliska Soomaaliyeed.
Barnaamijyadan ayaa waxaa qeyb ka ah dadaallada Shiinaha ee lagu garab istaagayo tayeynta hay’adaha amniga ee dalka, si loo kaabo awoodda Dowladda Federaalka.
Dhankiisa Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyay Shiinaha taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka iyo horumarinta awoodda hay’adaha amni.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in iskaashi buuxa oo laba geesood ah uu horseedi karo nabad waarta iyo xasillooni ka hanaqda guud ahaan dalka.
Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha waawayn ee taageerada siiya Dowladda Federaalka, wuxuuna sidoo kale ka qayb-qaatay arrimaha bani;aadanimada ee dalka.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan baahi wayn u qabta taageerada ka hortagga miinooyinka iyo waxlaha qarxa, maadaama ay halis ku hayaan dalka oo ay ku xoogan yihiin kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab iyo Daacish oo ka dagaalama gudaha dalka.