Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Ahmed Juma Al-Rumaithi.
Kulankan ayaa la sheegay inuu qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo labada dhinac ay si dhow uga wada-hadleen arrimo dhowr ah oo khuseeya iskaashiga labada dal ee ku dhisan wax-wada qabsiga, sida lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo gurmadka bani’aadamnimo. Danjire Ahmed Juma Al-Rumaithi ayaa dhankiisa caddeeyey sida Imaaraadka uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa imanaya xilli Imaaraadka Carabta uu si hoose uga shaqeynayo qorsheyaal dhaawac ku ah danaha qaranka, madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Caasimada Online ayaa dhowaan werisay in Imaaraatka Carabta uu si xooggan uga shaqeynayo heshiis uu Itoobiya ugu kireynayo saldhig milatari oo uu ka dhisay Somaliland, tallaabadaas oo ah mid si xeeladaysan looga gol leeyahay in lagu wiiqo saamaynta sii ballaaranaysa ee Turkiga uu ku leeyahay Geeska Afrika, sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah iyo ilo xog-ogaal u ah qorshahan xasaasiga ah.
Dhaqdhaqaaqan ay waddo Abu Dhabi ayaa lagu eedeeyay inuu si bareer ah u hurinayo khilaafka halista ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin-badeed, taasoo meesha ka saaraysa dhexdhexaadin uu Turkigu hormuud ka ahaa, isla markaana ku riixaysa gobolkan istiraatiijiga ah qalalaase hor leh.
Xudunta qorshahani waa saldhig milatari oo muhiim ah oo ku yaalla dekedda Berbera ee Somaliland, kaasoo uu dhisay Imaaraatka Carabta. Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Imaaraatka oo ka walaacsan heshiis difaac oo ballaaran oo ay horaantii 2024 kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Turkiga oo ay xafiiltamaan, ayaa saldhigga u bandhigay dalka aan badda lahayn ee Itoobiya.
Tallaabadan ayaa xal degdeg ah u noqonaysa hamiga Itoobiya ee muddo dheer ahaa inay hesho marin-badeed, iyadoo isku mar wiiqaysa xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, sidoo kalena caqabad ku noqonaysa madax-bannaanida Soomaaliya. Si uu doorkiisa u qariyo, Imaaraatka ayaa la sheegay inuu heshiiska u qaabeeyay mid si toos ah u dhexmara Itoobiya iyo Somaliland, taasoo ka dhigaysa inuu isagu yahay maskaxda aan muuqan ee ka dambaysa xiisaddan sii kordhaysa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qorshaha Berbera u arkayay mid khatar toos ah oo ay suuragelisay quwad shisheeye, ayaa toddobaad ka hor tegay Qaahira si uu u dardargeliyo heshiis difaac oo uu la galo Masar, oo ah dal ay gobolka ku xafiiltamaan Itoobiya iyo Qatar oo saaxiib la ah Turkiga. Tallaabadan, oo loogu talagalay inay noqoto mid ka hortag ah, ayaa Addis Ababa u fasiratay inay tahay burburkii ugu dambeeyay ee wadahadal kasta oo uu Turkigu hoggaaminayay, taasoo ku kaliftay inay si go’aan leh ugu sii gudubto qorshaha Somaliland.




