Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amniga ayaa soo xiray Axmed Nuur Maxamuud, oo ah askari loo heysto in uu jir-dil u geystay gabar Soomaaliyeed, falkaas oo si cad uga soo horjeeda sharciga iyo anshaxa ciidanka.
Askarigan ayaa ka soo muuqday kamaradda CCTV-ga, isaga oo garaacaya gabadha, isla markaana ul iyo haraati isugu daraya, iyada oo aan wax gacan qaad ah sameynin.
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in lasoo xiray eedeysanaha, isla markaana la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loo waafajiyo.
Askari Axmed wuxuu ka tirsan yahay ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaan “Koofiya Casta”, wuxuuna ahaa hal xarigle. Sidoo kale, wuxuu muddo dheer ka tirsanaa guutada ilaalada Madaxtooyada Qaranka ee 77-aad.
Muuqaalka askarigan oo jir-dilaya gabadha ayaa si weyn loogu faafiyey baraha bulshada, waxaana si adag loo cambaareeyey anshaxa iyo akhlaaqda askarta ku lugta leh falalka noocan oo kale ah.
Dadka qaar ayaa ku doodayey in dhaqanka noocan ah uu yahay mid ku baahsan askarta, balse ay yar tahay in muuqaal ama caddeyn dhab ah laga helo, taasoo keenta in aan inta badan caddaalad la helin.
Maalmihii la soo dhaafay, maxkamadda ciidamada waxaa la horgeeyey askar ay duubeen kamaradaha qarsoon, kuwaas oo lagu eedeeyey inay geysteen falal jir-dil ah iyo tacaddiyo kale, kuwaas oo xitaa qaarkood sababeen dhimasho.
Askarigan hadda la qabtay, oo boolisku sheegay in ay jiraan caddeymo muuqaal ah oo muujinaya isaga oo jir-dilaya gabadha, ayaa la filayaa in dhawaan la horgeeyo maxkamad, si caddaaladda loo horkeeno.