Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar uga qayb-gashay shir deg-deg ah oo looga hadlaayay go’doonka Gaza, kaas oo uga sii daray xaaladda bini’aadanimo ay wajahayaan shacabka reer Falastiin.
Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya ku mtelay Danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar, ahna wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, Mudane Cali Cabdi Awaare, waxaana shira guddoomisay dowladda Urdun.
Inta badan waxaa shirkan muhiimka ah oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira diiradda saaray arrimaha bini’aadanimo ee aadka u daran ee ka taagan marinka Gaza, gaar ahaan go’doonka iyo gaajada ka jirta halkaasi.
Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday ka hortegga weerarrada joogtada ah ee ay weli Israel ku hayso shacabka Falastiin, kuwaa soo lagu beegsanayo goobaha cunto qaybinta iyo dadka masaakiinta ah ee u baahan gargaarka deg-degga ah.
Waxaa kale oo kulanka deg-degga ah ee Ururka Jaamacadda Carabta ee heerka wakiillada joogtada ah lagu falanqeeyay qorshaha Israel ee ku aadan dhismaha waxa ay ugu yeereen ‘magaallo bini’aadanimo’ oo laga hirgelinayo dhinaca koonfurta Gaza, taas oo ay dalalka xubnaha ka ah golaha ku sifeeyeen inay tahay xabsi weyn oo cunsuriyad ku dhisan.
Dhanka kale, Soomaaliya ayaa madashan ku xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan garab istaagga shacabka reer Falastiin iyo taageerada buuxda ee xuquuqdooda sharciyaysan, sida uu kulanka ka dhex sheegay Danjire Cali Cabdi Awaare,
Danjiraha ayaa sidoo kale si weyn u cambaareeyay falalka gar-darrada ah ee ka dhanka ah bani’aadannimada ee ay weli Israel ku hayso shacabka reer Falastiin.
Xaaladda bini’aadanimo ee magaaada Gaza ayaa gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana xaaladda uga sii daray weeraradii ugu dambeeyay oo lagu beegsaday goobaha cunto qaybinta & meelaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ee u baahan gargaarka degdegga ah.