26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Golaha Wasiirada oo go’aan ka gaartay heshiis Soomaaliya ay la gashay Indonesia

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Indonesia oo ku saabsan in ay ka dhaafaan shuruudaha dal-ku galka dadka sita Baasaboorrada diblumaasiga iyo shaqada.

Waa tallaabo cusub oo lagu fududeynayo arrimaha socdaalka ee labada dal ee Soomaaliya iyo Indonesia.

Heshiiskaan waxaa lagu ansixiyey kulankii toddobaadlaha ahaa oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac.

Ujeeddada heshiiskan waa in la xoojiyo xiriirka diblumaasiyadeed, la dardargeliyo iskaashiga labada dal iyo in la fududeeyo socdaalka rasmiga ah ee shaqaalaha dowladda iyo diblumaasiyiinta.

Anaixinta heshiiskaas kadib waxaa kulanka warbixin looga dhageystay guddiga xal u helidda saxmadda waddooyinka caasimadda, taas oo ku saabsan caqabadaha keenay saxmadda iyo sidii xal waara looga heli lahaa culeyska saxmadda iyo saameynta ay ku yeelatay isku socodka waddooyinka caasimadda.

Guddiga u xilsaaran xal u helidda saxmadda magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay warbixin lagu falanqeeyey Sababaha keenay saxmadda waddooyinka, oo ay ka mid yihiin tirada baabuurta sii kordheysa, dayac tir la’aanta waddooyinka qaar, iyo dhismooyin aan la qorsheynin.

Sidoo kale, waxaa lasoo bandhigay talooyin iyo xalal waara oo la xiriira in la sameeyo waddooyin kale oo kale (alternatives), habeyn lagu sameeyo nidaamka taraafikada, iyo kordhinta awoodda booliiska taraafikada.

Saameynta saxmadda ay ku yeelatay nolosha shacabka iyo dhaqaalaha magaalada ayaa sidoo kale aad loo gorfeeyey.

- Advertisement -

Read more

Local News