Beledxaawo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu si kulul u cambaareeyey weerar ay sheegeen in loo adeegsaday oo ciidamada dowladda federaalka ay ku qaadeen magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
“Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka hoobiyeyaasha ah ee maanta lagu qaaday magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, waxaana falkan fuliyay ciidamo ku sugan Xerada UK ee duleedka Magaalada, kuwaas oo uu eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud u adeegsanayo xasuuqa iyo barakicinta dadka shacabka ah,” ayaa lagu yiri warka Jubbaland.
Maamulka Axmed Madoobe ayaa sheegay in hoobiyayaashaas laga soo tuuray xerada UK, halkaas oo ciidamada dowladda ay degan yihiin, xeradaas ayaa ku taalla banaanka magaalada.
“Hoobiyaashu waxay si toos ah ugu dhaceen shacab aan waxba galabsan, taas oo caddeyn u ah qorshe gardarro ah oo si ula kac ah loogu beegsanayo dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Jubbaland.
Sidoo kale, Jubbaland ayaa sheegtay in weerarkan ay ku geeriyootay laba qof oo shacab ah, kuwaas oo hoobiyayaashu ugu tageen iyagoo guryahooda jooga.
“Sidoo kale, waxaa jira dad kale oo dhaawacyo ay ka soo gaareen weerarka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Jubbaland waxay sheegtay in ficillada noocan ah ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, oo “tariikhda u galay Xasan Sheekh Maxamuud,” sida ay hadalkooda u dhigeen.
“Waa mas’uuliyad dastuuri ah in Dowladda Jubaland ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda” ayaa lagu yiri qoraalkii xaaladii ugu dambeysay ee Beledxaawo uu ka soo saaray Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo oo dagaal toos ah kula jira dowladda federaalka.
Ugu dambeyntii, Jubbaland ugu baaqday shacabka Gobolka Gedo in ay gacmaha is qabsadaan oo midnimo muujiyaan, isla markaana ay ka hortagaan ficillo ay ku tilmaameen “bahalnim” oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay ku eedeeyeen in Jubbaland uu ka geysanayo.
Hoos ka eeg bayaanka


