Beledxaawo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ee Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Al-Qaadi, ayaa maanta ka hadlay xaaladda gobolka, gaar ahaan xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay degmada Beledxaawo, xilli uu wareysi gaar ah siiyay Somali Cable TV. Wuxuu sheegay in degmada ay hareereeyeen Cabdirashiid Janan iyo ciidamo uu hoggaaminayo.
Al-Qaadi ayaa guul weyn ku tilmaamay dagaalkii dhacay shalay, isagoo sheegay in haatan ciidamada Jubaland ay si buuxda u maamulayaan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Cabdirashiid Janan iyo ciidamada dowladda ee uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin xerada UK, halkaas oo ay hareereeyeen ciidamada Darawiishta ee Jubaland, sida uu hadalka u dhigay.
“Cabdirashiid Janan iyo ciidamada la socda waxa ay ku sugan yihiin xerada UK, oo weliba geesaha ay ka taagan yihiin ciidamada dowladda Jubaland,” ayuu yiri Al-Qaadi.
Wuxuu sidoo kale intaas ku daray:“Haddii Alle idmo, waxaan ka qabaneynaa fidnada ay wadaan, si aysan bulshada Soomaaliyeed ee degmada joogta u dhibaateyn ama xabbad aysan magaalada gudaheeda ka dhicin.”
Dhanka kale, guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamo ka tirsan Jubaland ay u goosteen dhanka dowladda federaalka, kaddib markii Janan uu maanta soo bandhigay ciidamo uu sheegay inay kasoo goosteen maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
“Walaalow, ciidan halkaas u goostay ma jiro. Waa been, waxay sameynayaan ciidamadooda ayay file gelinayaan, kadibna waxay leeyihiin way noo soo goosteen,” ayuu mar kale yiri Al-Qaadi.
Arrintan ayaa imaneysa xilli weli ay taagan tahay xiisadda Beledxaawo, halkaas oo shalay mar kale ay ku dagaalameen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubaland.
Si kastaba ha ahaatee, xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noqnoqotay, waxaana si gaar ah loo dareemaa marka la gaaro xilliyada doorashooyinka, xilliyadaas oo dhinacyada isku haya awoodda gobolka ay si weyn ugu tartamaan kuraasta taalla Gedo si ay u helaan codadka xildhibaannada deegaankaasi.

