26.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Dagaal xooggan oo ka socda duleedka Maxaas iyo wararkii ugu dambeeyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Maxaas (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo haatan ka socda bannaanka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeya ciidamada Xoogga dalka, kuwa deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda aagga deegaanka Ceelgorof oo u dhexeeya degmooyinka Maxaas iyo Baxdo, waxaana soo qaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ee ku sugan halkaas ayaa iska difaacay weerarka Al-Shabaab, waxayna dib u riixeen xubnaha weerarka soo qaaday, kadib dagaal qaraar oo ka dhacay halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay mar kale dib isku soo abaabuleen, isla markaana ay xoogga soo saareen dagaalka oo weli ka socda duleedka Maxaas, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay dileen xubno Shabaab ah iyo saraakiil ku hoggaamineysay dagaalka, welina uu socda howlgalka ayna difaacayaan degmada.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana jiidda hore ee dagaalka gaaraya ciidamo dheeraad ah oo gurmad ah, si u ay xoojiyaan ciidamada la dagaalamaya Al-Shabaab ee ku sugan Maxaas.

Dagaalkan waxaa ka horreeyay weerar kale oo Khaamiistii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku qaadeen xubno ka tirsan argagixisada oo isku diyaarinayay deegaanka Ceelgorof oo hadda uu ka socdo dagaalka waxaana jab lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

“Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa xiligaan ka socda deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu beegsaday dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aaggaas” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Degmada Maxaas oo maalmahan uu ka socday abaabul culus ayaa waxaa haatan xoogga soo saartay Khawaarijta, kadib markii ay dhowaan qabsatay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay muddo dheer ka hortaagnaayeen Macawiisleyda beesha Xawaadle.

Si kastaba, howlgalladan ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii lasoo dhaafay ay abaabullo culus ka socdeen deegaannada Galmudug iyo HiShabelle, kuwaas oo ka dhan ah Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News