25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

DF oo shaacisay tirada ciidanka ay dhistay iyo 23 saldhig oo ATMIS kala wareegtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta hadal ka jeediyay shirka heer wasiir ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaas oo lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, isagoo ka hadlay arrimaha dhismaha ciidanka qaranka.

Wasiirka ayaa hadal jeedintiisa ku soo bandhigay guulaha ugu dambeeyay ee laga gaaray qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya, oo ay kamid yihiin wareejinta 23 saldhig ciidan oo caalami ah oo lagu wareejiyay ciidamada qaranka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay dhistay 20,000 (Labaatan kun) oo askari oo cusub.

Waxa uu sidoo kale ku codsaday in si xooggan loo taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada saadka, agabka ciidanka, daba-galka iyo raad-raaca, iyo nidaamka ka hortagga walxaha qarxa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa iftiimiyay isbeddelka dhaqaale ee dalka ka socda, kadib markii laga cafiyay deymihii caalamku kulahaa Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la helo maalgashi la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025–2035) iyo Hiigsiga 2060-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa xusay in hadda uu jiro koror ku yimid maalgashiga tooska ah ee shisheeye, isagoo tilmaamay fursadaha ballaaran ee ka jira kaabayaasha dhaqaalaha iyo qaybaha tamarta ee Soomaaliya, kuwaas oo u baahan in la maalgashado.

Markii uu ka hadlayay arrimaha siyaasadda, Wasiirku wuxuu tilmaamay horumarka laga sameeyay geedi-socodka federaaleynta, qabyo-tirka dastuurka, iyo diyaar-garowga doorashada guud ee la filayo in ay qabsoonto sanadka 2026.

Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyay taageerada loo fidinayo waxbarashada iyo caafimaadka, isaga oo caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay horumarinta guud, gaar ahaan xoojinta kaalinta dhalinyarada iyo haweenka.

Wasiirku waxa uu khudbaddiisa ku xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo dhaweysay hirgelinta nidaamka sanduuqyada bini’aadantinimo ee Ururka Iskaashiga Islaamka, oo uu ka mid yahay Sanduuqa Gaarka ah ee Horumarinta Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la dedejiyo hirgelintiisa.

Sidoo kale, waxa uu soo jeediyay in la sameeyo guddi daba-gal ah oo ka tirsan Kooxda Xiriirka, si ay ula socdaan geeddi-socodka isla markaana kor loogu qaado wadashaqeynta.

Gabagabadii, Wasiirka ayaa u mahadceliyay Dowladda Qatar iyo dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, taageerada joogtada ah ee ay u hayaan Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay noqoto dal nabad ah, isku filan, una jihaysan xasillooni waarta.

Shirkaan oo socday inta u dhexeysay 27–28 Luulyo, waxaa martigelisay Dowladda Qatar, waxaa si rasmi ah u furay Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar, Mudane Sultan bin Saad bin Sultan Al Muraikhi.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa la aas-aasay sanadkii 2007, si ay u noqoto madal lagu abaabulo taageerada isku dubbaridan ee nabadda, horumarka, iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Kulanka sanadkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, wada-shaqeynta, iyo dib-u-eegista horumarka laga gaaray arrimaha muhiimka ah, sida amniga, dib-u-habaynta dhaqaalaha, iyo maamulka loo dhan yahay.

- Advertisement -

Read more

Local News