27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Maxay tahay ‘Xero UK’ oo DF u sahashay inay qabsato Beledxaawo?

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo (Caasimada Online) – Maalmihii lasoo dhaafay waxaa ciwaanada hore ee warbaahinta qabsaday Xero UK, oo ku taalla magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, waa xero milatari oo ay ku sugan yihiin ciidamo federaal ah oo tirsan dowladda Soomaaliya.

Waa xarun amni iyo saldhig laga maamulo howlgallada ciidanka ee gobolka Gedo, waxayna ku taallaa afaafka hore ee magaalada Beledxaawo, halkaas oo ciidamada dowladda federaalka ay ka duulayeen subixii, habeenkiina ay ku soo laabanayeen maalmihii uu socday dagaalkii dowladda federaalka ay degmadaas kula gashay Jubbaland.

In magaalada ay wax yar ka durugsan tahay, isla markaana ay leedahay koone fog oo amniga laga ilaali karo ayaa dowladda federaalka u sahashay in magaaladaas ay ka dejiso diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo markii hore geeyey Cabdirashiid Janan oo dhowaan loo magacaabay Taliyaha NISA iyo madaxa guud ee amniga gobolka Gedo.

Ciidamadii Jubbaland heystay magaalada Beledxaawo, ayaa rasaas ku riday diyaaradda, maalmihii ugu horeeyey, balse waa u suurtageli weysay inay toogtaan, maadaama aysan sahlaneyn oo Xero UK ay u diyaarsan tahay istiraatiijiyad amni.

Maalintii uu halkaas ka degay Cabdirashiid Janan kadib waxaa si joogto ah gudaha Xero UK uga degaayey diyaaradaha dowladda federaalka, kuwaas oo halkaas geeyey saraakiil, ciidamo ka dagaalamay Beledxaawo, hub iyo sahayda ciidanka.

Sidoo kale, diyaaradaha ayaa halkaas kasoo qaaday dhaawacyadii ciidamada dowladda federaalka iyo kuwii Jubbaland ee magaalada looga cararay labadaba, waxaana la dhigay isbitaallada magaalada Muqdisho.

Xaaladda magaalada Beledxaawo ayaa hadda ah mid degan, waxaana si buuxda ula wareegay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo dadkii ka qaxay magaalada ay dib ugu soo laabanayaan maalin kasta.

Xero UK, waxaa weli ka dega diyaaradaha dagaalka dowladda Soomaaliya, kuwaas oo maanta oo ugu dambeysay Beledxaawo ka soo qaaday dhaawacyo wax looga qaban waayey isbitaalka degmada, waxaana la geyey isbitaallada Muqdisho.

Ciidamadii Jubbaland ayaa u cararay dhinaca Doolow iyo dhinaca Mandheera, ma jiro dagaal dambe oo dib ay u soo abaabuleen tan iyo maalinkii laga guuleystay, mana jirto cabsi hadda laga qabo in dagaal kale uu ka dhaco Beledxaawo.

- Advertisement -

Read more

Local News