Bariire (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ciidamada Uganda ee UPF ayaa si geesinimo leh uga hortagay laba gaari oo qaraxyo laga soo buuxiyay, kuwaas oo Khawaarijta Al-Shabaab ay doonayeen in lagu beegsado fariisimaha ciidamada ee duleedka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxaa lasoo bandhigay muuqaalka labada gaari oo cabaar kala dambeeyey, gaariga koowaad ayaa isku dayey inuu xoog uga gudbo godad waaweyn oo ciidanku ay u sii qodeen, siu u ugu dhaco.
Ciidamada ayaa dhowr daqiiqo xabado ku waday gaariga koowaad, waana qarxi diiday, sababtoo ah Al-Shabaab waxay u diyaariyeen in ilaa bartilmaameedka uu gaaro aysan xabaddu wax u dhibin gaarigooda.
Nasiib wanaag, gaarigii ayaa kasoo gudbi waayey difaaca, muuqaalka waxaa laga dhex arkayaa ciidamada oo kala cararaya rasaas badana ku ridaya gaariga oo ku soo dhawaaday, balse ka soo gudbi waayey difaacoodii ugu dambeeyey.
Askari difaaca kore saaraa ayaa soo riday qori Saban ah, halkaas ayu uku qarxay gaariga koowaad, waxaana suurtagal ah in firirkiisa uu gaaray ciidamada oo aad ugu dhawaa, sida muuqaalka koowaad laga arki karo.
Intaas kadib, ciidamadii oo diyaarsan waxaa yimid gaarigii labaad, si lamid ah kii hore oo la qarxiyey ayuu isku soo maqiiqay, wuxuu ka soo gudbay difaacii uu dhaafi waayey kii hore.
Hase ahaatee, si iskiis ah ayuu u istaagay, iyadoo aad u moodo in darawalkii waday la toogtay, waxayna ciidanku u qarxiyeen si lamid ah kii hore.
Howlgalkaas oo qayb ka ah dadaallada ka socda gobolka Sh/Hoose ee sifeynta argagixisada, ayaa lagu burburiyay labadii gaari oo ahaa nooca (Leylo Calaawi) ay Soomaalidu dhahaan, kuwaas oo Al-Shabaab ay u qorsheeyeen inay ku gubaan xerada ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AUSSOM ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, oo la hadlay Telefishinka Dowladda ee SNTV, ayaa sheegay in ka hortagga gaadiidka qaraxyada ah uu muujinayo feejignaanta iyo waaya-aragnimada ciidamada, wuxuuna intaas ku daray in howlgallada nadiifinta ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’iyo khatarta Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Hoos ka daawo Muuqaalka.