Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa qorsheynaya in uu deked ka dhisto magaalo xeebeedka Laasqoray, sida uu shaaciyay Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye.
Firdhiye oo haatan musharax madaxweyne ah ayaa shaaciyay in ay Laasqoray ka dhisanayaan deked, xilli maamulka Puntland uu halkaasi u dirayo ciidamada badda ee PMPF, si ay uga sameystaan saldhig weyn.
“Waxaan dhisaynaa dekedda Laasqoray, garoomada diyaaradaha deegaankeenna, waxaan ka faa’ideysanaynaa kheyraadkeenna bad, berri iyo buuraha,” ayuu yiri hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye.
Hadalka Firdhiye ayaa imanaya xilli Imaaraadka uu ka cabsi qabay in maamulka cusub uu ku dhaqaaqo qorshahan, wuxuuna Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni ka dalbaday inay ka hortagaan dhismaha deked laga sameeyo Laasqoray, uuna halkaasi geeyo ciidamada uu maalgeliyo Imaaraadku ee loo yaqaano PMPF.
Maamulka Puntland ayaa haatan wada qorshaha uu ciidamada PMPF ku geynayo magaalo xeebeedka Laasqoray ee gobolka Sanaag. Ciidamadan ayaa saldhig cusub ka sameysanaya magaaladaasi, iyadoo maamulka Puntland uu sheegay in halkaasi laga abaabuli doono howl-gallo ka dhan ah AS iyo kooxaha lamidka ah.
Saldhiga Laasqoray ayaa noqon doona saldhiga labaad ee ugu weyn oo ay leeyihiin ciidamada gaarka ah ee PMPF, marka laga yimaado kan Boosaaso. Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa doonaysa in magaaladan toos loo hoos geeyo maamulka Deni.
Qorshahan ayaa salka ku haya si looga hortago in degmada Laasqoray laga dhiso dekad uu yeesho maamulka cusub ee lagu dhisayo Laascaanood. Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni ayaa haatan ku dhaqaaqay fulinta qorshaha Imaaraadka gadaal ka riixayo.
Si kastaba, Imaaraadka ayaa si weyn uga walaacsan in maamulka Waqooyi Bari uu qaado tallaabo uu ku dhisanayo dekadda Laasqoray. Sababta Imaaraadku ay cabsi badan uga qabaan in Laasqoray deked cusub laga dhiso waa inay cuuryaamin karto maalgashigooda dekadaha Berbera iyo Boosaaso.

