Shuute oo shaaciyay sababta ka dambeysa in maxkamadda la dhex keeno Facebook

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa sanadihii dambe si toos ah u baahinaysay xukunnada iyo inta uu socdo dhageysiga kiisaska ay qaado, oo u badan dilal.

Baraha bulshada, gaar ahaan Facebook ayaa toos looga tabiya kiisaska maxkamadda, iyadoo barnaamij ahaan dhammeystirana la soo dhigo bogga Maxkamaddu ku leedahay isla bartaasi.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida, G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa shaaciyay in baahinta kiisaska maxkamadda oo qaarkood xasaasi yihiin ay keentay in bulshada iyo caalamka la tuso in caddaalad dhab ah ay ka jirto dalka, ayna si cad u arkaan caddeymaha la horkeenay maxkamadda iyo xukunka dhacaya.

โ€œWaxaan rabnaa in shacabka Soomaaliyeed, iyo guud ahaanba bulshada caalamka, aan tusno sida caddaaladdu u shaqeyso. Waxaan dooneynaa inay si cad u arkaan caddeymaha la horkeenay, ay dhageystaan doodaha labada dhinac, isla markaana ay marqaati ka noqdaan goโ€™aanka kama dambaysta ah ee maxkamaddu gaarto,โ€ ayuu yiri Guddoomiye Shuute oo wareysi cusub bixiyay.

Shuute ayaa sidoo kale qoraal lagu daabacay Wargeyska The Observer kaga warramay waayihiisa iyo culeysyadii soo wajahay intii uu ku jiray howlaha caddaaladda Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in aabihiis ka hor geeridiisu uu aad uga welwelsanaa shaqada uu hayo, isagoo dhowr jeer kula taliyay inuu iska dhaafo, maadaama xaaladda dalka ay adkayd, uuna yahay bartilmaameed toos ah.

โ€œAabbahay ka hor inta aan la dilin wuxuu yimid gurigayga. Aad ayuu uga welwelsanaa shaqadeyda, wuxuuna igu waaniyay inaan joojiyo,โ€ ayuu yiri Gaashaanle Sare Shuute.

Allaha u naxariisto aabaha Shuute, Cali Nuur waxaa dabley hubeysan ay 2-dii Janaayo 2018 ku dileen xaafadda Suuq Boocle ee degmada Dharkiinley ee gobolka Banaadir.

Shuute oo kamid ah saraakiisha caanka ah ee garsoorka dalka, ayna si weyn u raadsato kooxda Al-Shabaab, ayaa tiirka toogashada geeyay dagaalyahannadii ugu badnaa ee kooxda, kuwaas oo ay soo qabteen ciidanka qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, garsoorahan ayaa door weyn ku leh ciqaab-marinta kooxaha argagixisada, isagoo muddo ka shaqeynayay dacwooyin adag oo la xiriira dambiyada ay galaan xubnaha Al-Shabaab iyo falalka rabshadaha ah ee ay ku lug leeyihiin ciidanka dowladda, oo mararka qaar ku kaca falal dil.

- Advertisement -

Read more

Local News