Muqdisho (Caasimada Online) – Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah Senatorada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa markii ug horreysay ka hadlay arrimo ku aadan aqoosniga ay ku taameyso Somaliland, isaga oo beeniyay wararka sheegaya in Mareykanku aqoonsanayo Somaliland.
Senator Cabdi Ismaaciil oo deegaan doorashadiisu tahay Gobollada Waqooyi ayaa waxba kama jiraan riyada Somaliland, isaga oo sheegay in Washington ay horay u shaacisay in aysan qayb ka noqon doonin kala goynta Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan uusan suuragal ahayn in lagu dhawaaqo aqoonsiga Somaliland, isla markaana dunidu ay ka shaqeyneyso sidii loo soo yarayn lahaa dalalka badan ee kala tegay.
“Ma huuhaada mise xaqiiqdu waxa ay tahay? Wasaaradda Amuuraha dibadda sida maqaalaha igu ah in ay sheegtay in ay yiraahdeen anagu Soomaali la kala googoynayo kuma jirno, Yurub oo dhan ayaa isku imaaneysa, Afrika oo aan xubin Baarlamaan ka ah ayaa laga shaqeynayaa sidii la isugu keeni lahaa loona yarayn lahaa” Ayuu yiri Senatorku.
Warka ku saabsan aqoonsiga Somaliland ayaa soo baxay, kadib markii Senator Ted Cruz uu dhawaan ku boorriyay maamulka Trump inuu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland, isagoo ku sifeeyey inay Washington u tahay “saaxiib istiraatiiji ah oo dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda ah.”
Cruz, oo ah guddoomiyaha Guddiga Hoose ee Arrimaha Afrika ee Aqalka Senate-ka, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee goobta ay Somaliland kaga taallo Gacanka Cadmeed. Dhanka kale, wuxuu Beijing ku eedeeyey inay Somaliland ku ciqaabayso taageerada ay u muujisay Taiwan.
Dhankeeda Soomaaliya ayaa ka digaty in aqoonsiga gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland uu jabin doono xeerarka caalamiga ah, isla markaana uu wiiqayo iskaashiga la-dagaallanka argagixisada, xilli koox yar balse cod kar ah oo ka tirsan sharci-dejiyeyaasha Mareykanka ay Aqalka Cad ku cadaadinayaan inuu beddelo siyaasaddiisa.
“Soomaaliya waa dal madax bannaan… xuduudaheedana waa kuwo caalamku aqoonsan yahay, sharciga caalamiga ahna uu dhowrayo,” ayuu Danjire Daahir Xasan Cabdi ku yiri qoraal uu daabacay” ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka.
In kasta oo uu jiro cadaadis ka imaanaya Kongareeska, siyaasadda rasmiga ah ee Washington waxay weli taageersan tahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya — mowqifkaas oo ay mar kale ku celisay bishii Oktoobar 2024 kooxda loogu yeero Shanta Soomaaliya (the Somalia Quint) (Mareykanka, UK, Midowga Yurub, Qatar, iyo Turkiga), sidoo kalena ka muuqday bayaannada Mareykanka ee lagu soo dhoweeyay Baaqa Ankara ee Turkigu dhex-dhexaadiyay oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya bishii Diseembar 2024.

