Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa Guddoomiyaha hay’adda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ku eedeysay musuq-maasuq hor leh.
Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland, Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa ku tilmaamtay guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macallin shaqsi caadeystay boobka gargaarka loogu dhiibo shacabka tabaaleysan.
Wasiirrada oo ka jawaabaysay hadal ka soo yeeray guddoomiye Maxamuud ayaa beenisay in Madaxweyne Saciid Deni uu diiday gargaar loo waday deegaannada maamulka Puntland, taas oo uu sheegay guddoomiyaha SODMA.
Ubax ayaa sheegtay in Maxamuud uu ka been sheegay arrinta uu ka faafiyay Deni, isla markaana aysan jirin meel uu kula hadlay hoggaamiyaha maamulka Puntland.
“Agaasime waaye oo xitaa aniga Title ahaan iima dhigmo, sidee Saciid Deni u wici karaa? Run haduu sheegayo aniga muu isoo waco, waayo anigaa ah wasiirkii gargaarka Puntland ee shaqadaas gacanta ku haya. Ma leh awood uu kula hadlo Madaxweyne,” ayey tiri Ubax oo beenisay hadalkii kasoo yeeray guddoomiye Maxamuud Macallin.
Guddoomiyaha SODMA ayaa saacado ka hor sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay Saciid Deni, si uu gargaar u gaarsiiyo deegaano ka tirsan maamulka Puntland, balse uu Deni ugu jawaabay “kaagama baahnin” sida uu sheegay Maxamuud.
“Waxaa wacay Madaxweyne Saciid Deni, waxaa ku idhi dad ayaa ku qaxay Carmalo, aagga ku aadan Qardho ayaa rabaa inaa usoo gurmado, oo ka dago Boosaaso oo dadkii usoo gurmado, kaagama baahnin ayuu yiri.”

