27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Maydka gabar Soomaali ah oo laga helay hoteel ku yaalla magaalada Nairobi

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo Isniintii ka dhacday gudaha Nairobi, kadib markii mid kamid ah hoteellada ku yaal magaaladaasi laga helay maydka gabar Soomaali ah oo si xun loo dilay.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Farxiyo Axmed, waxaana laga helay iyada oo mayd ah qolka huteel ku yaalla xaafadda South B ee magaalada Nairobi, subaxnimadii Isniinta, eee kowdii bishaan September, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Warbixinno hordhac ah oo laga helay dhanka Booliska ayaa muujinayo in Farxiyo ay hoteelka gashay habeenimadii Axadda, 31-kii August 2025-ka, waxaana la socday nin u dhashay dalka Kenya oo magaciisa lagu sheegay Chelsea Mwangi .

Sidoo kale maamulka hoteelka ayaa Booliiska u xaqiijiyay in Mwangi uu bixiyay lacag dhan 400, ka hor inta aysan labada qof qolka kiraysan, kadibna ay halkaasi ku wada hoydeen labadooda.

Intaasi kadib ayaa haweeney shaqaale ah oo hawlo nadaafadeed ku jirtay waxa ay ka war heshay in albaabka qolka uu furan yahay, kadibna markii ay gudaha u gashay ay aragtay meydka Farxiyo oo sariirta dul yaalla, iyadoo uu dhiig ka qubanayay afka iyo sanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in uu baxsaday eedeysanaha, waxaana ehellada marxuumadda ay dalbanayaan cadaalad, si loo soo qabto ninka lagu tuhmayo falkaasi.

Waxaa haatan socda baaritaanno dheeraad ah oo lagu hayo eedeysanaha, waxaana dhacdadan dabagal ku haya saraakiisha Booliska ee dalka Kenya.

Kenya ayaa marar badan oo hore waxaa ka dhacay dhibaatooyin kala duwan oo loo gaystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan Nairobo, kuwaas oo loo gaystay dil iyo afduub.

- Advertisement -

Read more

Local News