29 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Mareykanka oo shaaciyey in ciidanka Danab ay yihiin kuwa ugu awoodda badan Afrika

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) General Dagvin R.M. Anderson, oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan howlgallada Soomaaliya iyo dhismaha ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa gaarka tababaraan ee Danab.

General Dagvin ayaa marka hore sheegay in dhismaha ciidanka kumaandooska Danab ay faa’iido weyn u tahay Soomaaliya, maadaama toban sano kaddib ay haystaan tababar sare iyo awood ciidan oo Afrika ka dhex muuqata, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadan ay yihiin mid ka mid ah kuwa ugu awoodda badan ee Qaaradda Afrika, ayna tusaale u yihiin dhammaan ciidamada kale.

“Muddo toban sano ah ayaa dhiseynay Ciidanka Danab, waxaan ka dhignay mid kamid ah Ciidanka ugu awoodda badan Afrika, Danab waa tusaale fiican, waxa aan la leenahay taariikh iskaashi oo aan sii wadi doonno” ayuu yiri taliyaha cusub ee howlgalka AFRICOM.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in ujeedka loo kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya ay tahay in meesha laga saaro, si xasilooni loogu soo dabaalo gobolka oo loo arko inay khatar ku yihiin kooxahan gacan saarka la leh argagixisada.

Taliyaha AFRICOM ayaa sidoo kale xusay in isku xiranka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen uu yahay ujeedka ugu weyn ee Maraykanka, balse ay burburin doonaan, si looga adkaado.

General Dagvin R.M. Anderson, oo maalin kahor la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u muujiyay sida ay Washington uga go’an tahay inay taageerto Soomaaliya, si loo adkeeyo awoodda ciidamada qaranka.

Mareykanka ayaa qorsheynaya in taageeradiisa cusub ay ku jiraan hawl-gallo cirka ah oo lagu beegsanayo bartilmaameedyada kooxaha argagixisada, is-weydaarsi sirdoon, tababaro ciidan iyo caawimaad kale oo lagu dhisayo awoodda difaaca ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News