Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dilka loo gaystay Axmed Caddib oo meydkiisa laga heley magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland kaas ‘oo la xiriiriyay sirdoonka Puntland’, sida lagu baahiyay baraha bulshada.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Maamulka Puntland ee PISA ayaa lagu sheegay in ay been abuur yihiin wararka la baahiyay ee ku aadan in iyagu ay ka dambeeyeen dilka loo gaystay Axmed Caddib oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray jabhaddii SNM, kaas oo illaa iyo hadda aan la garan ciddii ka dambeysay.
“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Dowladda Puntland waxay beeninaysaa wararka maanta lagu faafiyey baraha bulshada, ee lagu sheegay in muwaadin reer Somaliland ah oo ku dhintay Hargeysa ay ka dambaysay Hay’addu” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka PISA.
PISA aya sidoo kale qoraakeeda ku sheegtay in hay’addu aysan ka shaqeynin shirqool iyo khaarijin, ayna wada shaqeyn wanaagsan kala dhexeyso hay’adaha amniga Somaliland.
“Hay’adaha amniga ee Dowladda Puntland kama shaqeeyaan khaarajin iyo dilal qorshaysan. Taas beddelkeeda, waxay wada-shaqeyn dhow la leeyihiin hay’adaha amniga ee mandaqadda, oo ay ku jirto Somaliland. Sidaas darteed, ma jirto sabab ku kallifaysa xadgudub shaqsi ama mid maamul toona” ayuu lasii raaciyay warsaxaafadeedka Hay’adda.
Dilka Axmed Caddib ayaa dhaliyay shaki xooggan, mana jirto illaa iyo hadda faah-faahin rasmi ah oo laga bixiyay sababta ka dambeysay geeridiisa.
Somaliland ayaa haatan wadda baaris dheeraad ah oo ku aadan dhacdadan iyadoo laga war sugayo waxay hay’adaha amniga ka yiraahdaan dilka marxuumka iyo cidda ka dameysay.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gudaha Hargeysa ka dhacayay falal liddi ku ah amniga, iyada oo siyaabo kala duwan magaaladaas loogu dhexe dilay dhowr qof oo ay ku jiraan shaqsiyaad ka tirsan laamaha amniga iyo dad kale oo shacab ah oo aan waxba galabsan.


