Muqdisho (Caasimada Online) โ Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey fadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Soomaaliya u socoto doorasho qof iyo cod ah oo markii ugu horreysay 57 sano la qaban doono.
Sidoo kale waxa uu madaxda ka qeyb-gashay shirkaan in gudaha dalka ay si habsami leh uga socoto diiwaangelinta doorashada, isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan ururo siyaasadeed oo badan.
Intii ay socotay khudbadda Madaxweynaha Soomaaliya, waxa kale oo uu soo bandhigay duruufaha adag ee Soomaaliya ay ka gudubtay, isagoo tilmaamay in dowladdu ay dadaal ku bixisay xaqiijinta amniga, dardar gelinta dagaalka ka dhanka argagixisada, xoojinta dimuqraadiyadda iyo dhammeystirka dastuurka.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyey guulaha ciidamada qaranka iyo xoogagga shacbiga ah ee ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna saaxiibbada caalamiga ah ku dhiirri geliyey doorkooda dagaalkan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey dadaallada dowladdu ay ku xaqiininayso dhisidda nidaam dimuqraadi ah oo daah-furan, isagoo ku dheeraaday hanaanka doorasho qof iyo cod ah, oo haatan ay isku hayaan xubnaha mucaaradka.
Dhanka horumarka iyo dhaqaalaha, Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay in Soomaaliya ay ka shaqeyneyso xoojinta dakhliga gudaha, hufnaanta maamulka maaliyadda iyo ka faaโiidaysiga fursadaha ganacsi ee gobolka iyo caalamka.
Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xasilloonida gobolka, xuquuqda dowladnimo ee walaalaha Falastiin iyo iskaashiga caalamiga ah.
Waxa kale oo uu ku nuux-nuuxsaday mudnaanta ay leedahay in wadajir loo wajaho halista isbeddelka cimilada oo saameyn weyn ku yeeshay wax soo saarka beeraha iyo nolosha malaayiin qoys oo reer guuraa ah.