Muqdisho (Caasimada Online) โ Tartanka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa galabta oo Jimco ah si rasmi ah uga furmaya garoonka ciyaaraha magaalada Muqdisho.
Ciyaarta furitaanka waxaa foodda is dari doona kooxaha degmooyinka Kaaraan iyo Dharkaynley, kuwaas oo ku wada jira Guruubka A.
Munaasabadda daahfurka waxaa lagu wadaa inay ka qayb galaan masโuuliyiin ka tirsan dowladda iyo bahda ciyaaraha, kuwaas oo khudbado ka jeedin doona horumarinta ciyaaraha dalka.
Laga bilaabo kulanka maanta, ciyaaruhu waxay u socon doonaan si maalinle ah ilaa iyo dhamaadka tartanka, iyadoo taageerayaasha lagu wargeliyay inay ilaaliyaan nidaamka ayna ka fogaadaan wax kasta oo carqaladayn kara.
Si loo hubiyo amniga iyo in tartanku ku dhaco si nabad ah, dowladdu waxay diyaarisay ciidamo booliis ah oo gaar ah, kuwaas oo ka hortagi doona rabshadaha ay dhaliyaan taageereyaasha qaarkood.
Daahfurka maanta ayaa ku soo beegmaya maalin Jimcaha oo ay fasax yihiin dugsiyada, taas oo la filayo inay soo jiidato taageerayaal badan oo buuxin doona garoonka.
Taageerayaasha kooxaha degmooyinka ee gobolka Banaadir ayaa loogu baaqay in ay ilaaliyaan nidaamka, isla markaana ka fogaadaan wax walba oo dhibaato ku noqon kara in ciyaaruhu u qabsoomaan si habsami ah.