26.6 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

War cusub oo kasoo kordhay raggii dilay Jeneraal Qalyare

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada difaaca Puntland ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Bari, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish.

Howlgalka oo ka dhacay deegaannada Kooraxanle iyo Abal ee buuraleyda Calmiskaad ayaa waxaa lagu dilay 8 xubnood oo ka tirsanaa Daacish, iyada oo nolosha lagu qabtay mid kale.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in ragga la khaarijiyay oo xilligaas miino aasayay ay ahaayeen kuwii ka dambeeyay qaraxii dhawaan lagu dilay taliyihii guutada 2-aad ee ciidamada difaaca Puntland ee wax ka hoggaaminayay dagaalka ka socda halkaasi, kaas oo lagu magacaabi jiray Jeneraal Axmed Cabdi Cali-Qarjab (Qalyare).

“Allaahu Akbar, Ciidanku waxay dileen 8 argagixiso ah, midna nolol ayeey ku qabteen, waa firxadkii Miinada u dhigay AHUN Gen. Qalyare. Hawlgalka ayaa weli ka socda aaga Kooraxanle iyo Abal ee buuraleyda Calmiskaad,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Jeneraalka la dilay ee Axmed Cabdi Cali-Qarjab (Qalyare), ayaa ku geeriyooday miino lala helay gaarigiisa, waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac kale uu gaaray qaar kamid ah ciidankii la socda taliyaha, xilliga la qarxinayay.

AUN marxuumka ayaa ahaa sarkaal firfircoon oo ka dhex muquday ciidamada Puntland, wuxuuna horay ugu dhaawacmay dagaalka Calmiskaad, isaga oo dibadda loo qaaday, kadibna markii uu kasoo laabtay dib ugu noqday difaaca hore oo ugu dambeyn lagu dilay.

Puntland oo weli dagaalka sii wadda ayaa guul wayn ka sheegatay howlgallada Calmiskaad, sida uu maanta shaaciyay madaxweynaha maamulkaasi oo wareysi cusub bixiyay

Saciid Deni ayaa sheegay in dagaalladii ka dhacay buuraha hoostooda ay ku dileen xubno badan oo Daacish ah, isaga oo xaqiijiyey inay u badnaayeen ajaanib kasoo kala jeeda dalal kala duwan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaarkood oo dhaawacyo ah ay weli ku sugan yihiin dhulka ay ku go’doonsan yihiin ee ay haatan ciidamada ka wadaan howlgalllada culus.

“Daacish waxa aan ka dilnay ajaanib badan oo Puntland ku imaan jirtay dalxiis ama ganacsi, dagaalka militariga ah waa gaba-gabo, xogta aan hayno 95% waan ka adkaanay, dhulka aan tagnay waxa ay ku lahaayeen beero” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in inta badan ajaaniibta ay Puntland ku yimaadeen dalxiis, kadibna ay sidaas ugu biireen Daacish, balse waxaa uu intaasi ku daray in haatan ay xadideen kororka kooxda, ayna kahor tageen in dad cusub ay ku biiraan.

- Advertisement -

Read more

Local News