29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Al-Shabaabka weerarka ku qaaday Godka Jilacow oo adeegsaday xeelad yaab leh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo war hordhac ah soo saartay ayaa faah-faahin kooban ka bixisay weerarka qaraxa ku bilowday ee ay galabta Al-shabaab ku qaadeen xarunta Godka Jilacow oo kamid ah talisyada NISA, kaas oo ku yaalla agagaarka Madaxtooyada, gaar ahaan dhanka Taalada Daljirka Daahsoon.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in weli howlgalka uu socdo, isla markaana qaar kamid ah raggii weerarka qaaday la toogtay, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay warbaahinta qaranka.

Sidoo kale waxaa warbixinta  lagu sheegay in dagaalyahannada weerarka fuliyay ay adeegsadeen xeelad yaab leh, ayna isku ekeysiin ciidanka amniga, iyaga oo isticmaalay gaari lagu soo buufiyay astaanta NISA, kadibna ay sidaas ku gaareen bartilmaameedkooda.

“Maanta abaaro 4:40 galabnimo, maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa weerar naf-halignimo ah ku qaaday xarunta Godka Jilicow, oo ka mid ah xarumaha hay’adda NISA. Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa isticmaalay gaari ay u ekaysiiyeen gaadiidka ciidamada hay’adda”. ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.

Waxaa kale oo lasii raaciyey “Qaar ka mid ah maleeshiyaadka cadowga ayaa la toogtay, waxaana haatan socda howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo kooxdan weerarka soo qaaday. Wixii warar ah ee ku soo kordha howlgalka, dib ayaan ka soo gudbin doonaa.”.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta la furay illaa 52 waddo oo horay loogu xiray sababo amni dartood, waxaana ujeedka lagu sheegay fududeynta isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Furista waddooyinka ayaa timid kadib markii ay dowladdu ku guuleysatay sugidda amniga Muqdisho oo xasilnaa bilihii lasoo dhaafay, kadib markii laga qabtay shaqo adag.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda lagu furay jidadka ayaa goor sii horreysay oo maanta ah sheegay inay hordhac yihiin jidad kale oo la furi doono maalmaha soo socda.

”Waxaa billownay in aan furno 52 jid oo ah wajiga caasimadda, kuwa kale ee dhimman waa furi doonaa dhawaan”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba, Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay ka caaganeyd weerarada qaraxyada ah iyo dilalka qorsheysan ee ay soo abaabulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News