26.7 C
Mogadishu
Saturday, May 23, 2026

Ilhan Omar oo taageero wayn u muujisay FATEH + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Xildhiaan Ilhan Omar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa taageero wayn u muujisay Omar Fateh oo ah musharrax u taagan duqa Minneapolis, waxayna ballan qaaday inay ku garab istaagi doonto ku guuleysiga xilka.

Ilhan Omar ayaa shaaca ka qaaday in ay ku kalsoon tahay Fateh, uuna hoggaan u noqon karo isbeddel iyo cadaalad bulsho, sidaas daraadeedna ay si buuxda u garab istaageyso.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan taageero Sen. Fatah si uu u noqdo duqa Minneapolis,” ayay tiri Ilhan Omar xilli uu garab taagnaa Omar Fateh.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay inuu yahay qofka ugu habboon ee mideyn kara dhinacyada isku haya ee maamulka magaalada, iyadoo tusaale u soo qaadatay shaqadiisa ku saabsan barnaamijyada waxbarasho ee lacag la’aanta ah iyo taageerada darawalada Uber iyo Lyft.

Dhankiisa Fahe ayaa si weyn ugu mahadceliyay Xildhibaan Ilhan, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay taageerada ay u muujisay, uuna sii laba jibaari doono ololihiisa xooggan.

Dhinaca kale duqa hadda xilka haya ee Jacob Frey ayaa isna isna taageero wayn ka helay guddoomiyaha gobolka Tim Walz iyo Senatarka Amy Klobuchar, taas oo sii adkeyneysa loolanka u dhexeeya labada nin.

Waa kuma Omar Fateh?

Omar Fateh, oo 35 jir ah, waa siyaasi ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga oo hadda ku jira xilligiisii labaad ee uu yahay senatarka gobolka ee degmada 62-aad ee Minnesota, isagoo sidoo kalena u tartamaya xilka duqa magaalada Minneapolis.

Wuxuu ku dhashay Washington, D.C., Fateh wuxuu sheegay inuu yahay wiil ay dhaleen waalidiin soogalooti ah oo ka yimid Soomaaliya, isla markaana uu dhowaan noqon doono aabbe.

Wuxuu shahaadada Master-ka (heerka labaad ee jaamacadda) ee maamulka dadweynaha ka qaatay Jaamacadda George Mason University ee gobolka Virginia, wuxuuna u soo noqday khabiir arrimaha bulshada ee Minneapolis, isku-duwaha mashaariicda ee Wasaaradda Gaadiidka gobolka, iyo falanqeeye ganacsi oo ka tirsanaa Jaamacadda Minnesota.

Markii loo doortay senatarka gobolka sanadkii 2020, Fateh wuxuu noqday Muslimkii ugu horreeyay iyo qofkii ugu horreeyay oo Soomaali-Mareykan ah ee ku biira Aqalka Sare ee Minnesota. Wuxuu horey olale aan guuleysan ugu galay kursiga aqalka sare sanadkii 2018, isagoo doorashadii is-reereebka ee xisbiga Dimoqraadiga looga guuleystay, waxaana ka adkaatay wakiilkii hore ee gobolka Hodan Hassan.

Maxay yihiin ballan-qaadyadiisa?

Tartankiisa duqa magaalada, Fateh wuxuu isku aqoonsanayaa inuu yahay hanta-wadaag dimoqraadi ah (democratic socialist) kaasoo, ballanqaadyadiisa siyaasadeed ay ka mid yihiin, inuu hagaajin doono difaaca darawallada shirkadaha gaadiidka dadweynaha ee Uber iyo Lyft, la dagaallami doono tacaddiyada booliska, iyo inuu kordhin doono guryaha la awoodi karo kiradooda.

Wuxuu ballanqaaday inuu mushaarka ugu yar ee magaalada ka dhigi doono $20 saacaddii marka la gaaro 2028, kaasoo hadda ah $15.97. Mushaarka ugu yar ee gobolka Minnesota ayaa hadda ah $11.13.

Sidoo kale, wuxuu ballanqaaday inuu si adag uga hor istaagi doono maamulka madaxweynaha hadda talada haya ee Donald Trump, taasoo ay ka mid tahay inaan loo oggolaan doonin booliska magaalada inay la shaqeeyaan Hay’adda Socdaalka iyo La-dagaallanka Muhaajiriinta Mareykanka (U.S. Immigration and Customs Enforcement – ICE).

“Haddii ay tahay howlgal socdaal iyo haddii kaleba, dadkeennu waxay mudan yihiin duq magaalo oo ka hor istaaga Donald Trump oo yiraahda, ‘maya, taas kama dhacayso bulshadeenna dhexdeeda.'”

- Advertisement -

Read more

Local News