26.5 C
Mogadishu
Friday, November 21, 2025

Maxay DF ka tiri hadal-haynta lahaanshaha Muqdisho?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cumar Cumar Cali (Balcad) oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka hadlay doodda xooggan ee ka taagan nidaamka federaalka oo muddooyinkii uu damabeeyay hadal-heyn ka abuurtay baraha bulshada iyo warbaahinta.

Cali Balcad ayaa marka hore wax laga xumaado ku tilmaamay faham qaldan oo uu sheegay in laga bixinayo fasiraadda nidaamka federaalka ee uu horay u qaatay dalka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dalku yahay hal qaran, isla markaana muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin in si siman loogu adeego, meel kasta oo ay ka joogaan gudaha waddanka.

“Soomaaliya waa hal qaran, muwaadiniintuna waa hal ummad. Qofka Soomaaliyeed ee ku nool Bosaso, Balcad amd Waajid waa inuu si siman u helaa adeegyada iyo xuquuqda laga helo Muqdisho, Kismaayo, Hargeysa, Dhuusamareeb ama Baydhabo” ayuu yiri wasiirku.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran;-

Waxaa wax aad looga xumaado ah dooda beryahan ka socota warbaahinta ee la xiriirta nidaamka federaalka iyo fahamka qaldan ee loo fasirayo ku dhaqankiisa.

Nidaamka Faderaalka ah ee aan qaadanay waxaa loogu talagalay inuu noqdo nidaam dowladnimo oo dadka u soo dhoweeya adeegyada, maamul wanaagga, iyo horumarinta bulshada. Marnaba looguma talagalin inuu dadka Soomaaliyeed u kala saaro, kala reebo, ama u abuuro xuduudo cusub oo muwaadininimo.

Muwaadin Soomaaliyeed meel walba oo uu dalka ka joogo waa muwaadin Soomaaliyeed. Xuquuqda qofku kuma xirna halka uu ku dhashay ama halka qoyskiisu ka soo jeedo. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu ku noolaado, wax ku barto, caafimaad ku helo, shaqo ka raadsado, oo uu ganacsi ka sameeyo gobol kasta oo Soomaaliya ka mid ah, isaga oo aan la takoorin.

Soomaaliya waa hal qaran, muwaadiniintuna waa hal ummad.
Qofka Soomaaliyeed ee ku nool Bosaso, Balcad amd Waajid waa inuu si siman u helaa adeegyada iyo xuquuqda laga helo Muqdisho, Kismaayo, Hargeysa, Dhuusamareeb ama Baydhabo.

Haddii aan rabno in Soomaaliya ay horumar gaarto, waa inaan hubinnaa in hab maamulka faderaalka aan dhisayno in noqdo qaab-dhismeed mideeya oo wax-tarka kordhiya, ee aannu noqon qaab kala fogeeya bulshada. Qaran kastaa wuxuu ku dhisan yahay muwaadiniin isku mid ah, xuquuq isku mid ah leh, oo si la mid ah loogu tixgeliyo gobol kasta. Qaran kuma dhismo muwaadinin xuduudo dhexyaalaan, warqado aqoonsi kala duwan wata, oo aan isku xuquuq ahayn.

Soomaaliya ha noqoto qaran mideysan, adeeg midaysan leh, cadaalad loo siman yahay leh, oo aan lahayn takoor iyo kala sooc.

Dalalka qaatay nooca Federaalka oo ay muwaadiniintiisu siman sida Maraykanka, Canada iyo Jarmalka horumar wayn ayay gaareen. Dalalka qaatay nooca Federaalka oo ay muwaadiniintiisu qaybsan yihiin sida Yuguslavia burbur ayay ku danbeeyeen.

Midnimo ayaa na deeqdo, horumar ku gaari karnaa.

- Advertisement -

Read more

Local News