Boosaaso (Caasimada Online) – Iyadoo Washington ay si xoog leh ugu cadaadinayso Imaaraadka Carabta in ay joojiyaan hubeynta Ciidanka Taageerada Degdegga ah ee Suudaan (RSF), ayay haddana ciidammo Maraykan ahi si aamusnaan ah uga duulayaan saldhigyo uu Imaaraadku ka dhisay Soomaaliya – isla xarumahaas oo ay baarayaal madax-bannaan ku sifeeyeen in ay noqdeen laf-dhabarta sahayda ee lagu xoojiyo malleeshiyada RSF.
Magaalada istiraatiijiga ah ee Boosaaso oo ku taal maamul-goboleedka Puntland, ayaa xukuumadda Abu Dhabi waxay u beddeshay xarun ciidan oo si casri ah loo qalabeeyey, taas oo isugu jirta garoon diyaaradeed iyo saldhig ciidan badeed oo ku yaal Gacanka Cadmeed.
Ilo-wareedyo Maraykan ah iyo saraakiil ka tirsan Puntland ayaa tibaaxay in iyadoo Imaaraadku u isticmaalayo Boosaaso marinka hubka iyo qalabka loo wado kooxda RSF, uu Maraykankuna isla dhabahaas diyaaradaha iyo kaabayaashaas u adeegsanayo dagaalka uu kula jiro kooxda Daacish ee Soomaaliya.
Tobankii bishan Nofembar, saddex maalmood uun ka hor intii uusan Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marco Rubio, fagaare ka cambaarayn xasuuqa ay RSF ka gaysatay magaalada el-Fasher ee gobolka Darfur, isla markaana sheegin in “ay waajib tahay in la joojiyo” taageerada la siinayo kooxdaas, ayaa Taliska Maraykanka ee Afrika (Africom) wuxuu fuliyey duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday nawaaxiga Godka Golgol, oo qiyaastii 32km koonfur-bari kaga beegan Boosaaso, halkaas oo lagu beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Daacish.
Saraakiil hore uga soo shaqeeyey dawladda Maraykanka ayaa sheegay in duqeymaha noocan oo kale ah ay inta badan xigaan hawlgallo gaar ah oo loo yaqaan “sensitive site exploitation”, kuwaas oo ciidamadu ku tagaan goobta la duqeeyey si ay u soo ururiyaan xogta sirdoonka, sida keydka kombiyuutarada (hard drives) iyo dheecaannada hidde-sidaha (DNA).
Tan iyo markii uu Donald Trump xafiiska la wareegay, maamulkiisu wuxuu horseeday waxa hay’adda cilmi-baarista ee New America ay ku tilmaantay “sare-u-kac aan hore loo arag” oo ku yimid dagaalka Maraykanku kula jiro argagixisada Soomaaliya.
Maraykanka ayaa sannad gudihiis fuliyey ku dhawaad 99 duqeymood, marka la barbardhigo 51 duqeymood oo dhacay xilligii Joe Biden uu madaxweynaha ahaa ee afarta sano. In kasta oo hawlgalladan badankood laga taageerayey dhanka badda iyadoo la adeegsanayo maraakiibta Ciidamada Badda Maraykanka, haddana Boosaaso ayaa noqotay saldhig duullaan (forward launch pad) oo ay ka duulaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanka, kuwaas oo garab siinaya ciidamada ammaanka Puntland ee ka hawlgala buuraleyda Cal Miskaad.
Xogta lagula socdo dhaqdhaqaaqa duulimaadyada oo ay khubaradu lafa-gureen ayaa muujinaysa xiriir toos ah oo ka dhexeeya Boosaaso iyo xarumaha rasmiga ah ee Maraykanku ku leeyahay gobolka. 29-kii Luulyo, diyaarad xamuul oo ay leeyihiin Ciidamada Badda Maraykanka ayaa ka duushay xarunta Camp Lemonnier ee dalka Jabuuti—oo ah saldhigga ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay qaaradda Afrika—iyadoo toos u tagtay Boosaaso, kadibna u sii gudubtay Mombasa, Kenya, ka hor inta aysan dib ugu laaban Jabuuti.
Iyadoo Shiinaha iyo quwado kale ay saldhigyo waawayn ka samaysteen Jabuuti, qorshe-dejiyaasha Maraykanku waxay u arkaan Boosaaso iyo saldhigga kale ee ay Imaaraadku ka dhisteen Berbera, Somaliland, inay yihiin xulashooyin istiraatiiji ah oo muhiim u ah sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Bishii Sebteembar, wefdi sare oo Maraykan ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Africom, Sarreeye Guuto Claude Tudor, oo ah madaxa hawlgallada gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, iyo Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, ayaa magaalada Boosaaso kula kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Isla xilligaas, waxaa la soo weriyey in ciidamada gaarka ah ee Maraykanku ay tababar wadajir ah la qaateen unugyo ka tirsan ciidamada Puntland. Sida uu sheegay Cameron Hudson, oo hore u ahaa sargaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ahaana falanqeeye sirdoonka CIA-da, Imaaraadku wuxuu “u bandhigay Maraykanka isticmaalka Boosaaso inay noqoto meel ay ciidamadu ku sii hakadaan marka ay galayaan Puntland ama Somaliland”, waana dalab ay Washington aqbashay in kasta oo aanu ahayn heshiis rasmi ah oo joogto ah.
Ku-tiirsanaanta sii kordhaysa ee dhanka hawlgallada ee kaabayaasha ay Imaaraadku maamulaan ayaa si weyn uga hor imaanaysa, una muuqata mid qallafsan, marka la barbardhigo farriinta rasmiga ah ee Washington ka bixiso xaaladda Suudaan.
Shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee G7 ku yeesheen meel u dhow Niagara Falls kadib, Rubio ayaa u sheegay weriyeyaasha in Maraykanku si fiican u ogyahay ciddii hubka siinaysa RSF, isla markaana cadaadis “heerka ugu sarreeya ah” la saarayo sidii loo joojin lahaa taageeradaas.
Markii weriye uu si toos ah u magacaabay Imaaraadka inuu yahay dalka bixinaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shiinuhu sameeyey, Rubio wuu ka gaabsaday inuu xaqiijiyo, isagoo ku cudur-daartay in aanu doonayn inuu “cid gaar ah farta ku fiiqo” maadaama ujeeddadu tahay “in natiijo wanaagsan la gaaro”.
Xaaladda degdegga ah waxaa sii hurinaya dhacdooyinka naxdinta leh ee ka taagan magaalada el-Fasher, xarunta Waqooyiga Darfur, halkaas oo xoogagga RSF lagu eedeeyey kufsi wadareed, dil, boob iyo afduub, iyagoo sii adkeeyey go’doominta magaalada.
Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya dhiig daadsan waddooyinka magaalada. Qiyaastii 650,000 oo shacab ah iyo in ka badan 300 oo shaqaale samafal ah ayaa hadda ku go’doonsan deegaanka Tawila oo u dhow, halkaas oo bar-koontarool oo ay RSF leedahay ay u jirto 20km oo kaliya. Xasuuqan ayaa mar kale indhaha caalamka ku soo jeediyey doorka Abu Dhabi ee dagaalka Suudaan.
Dowladda Imaaraadku waxay si “cad u beenisay” caddaymaha muujinaya taageerada ay siiso RSF. Hase yeeshee, sawirrada dayax-gacmeedka, nambarada taxanaha ah ee hubka, xogta duulimaadyada iyo markhaatiyada laga helayo ilo-wareedyo badan oo ku sugan gudaha iyo dibadda Suudaan, ayaa tilmaamaya in Boosaaso ay noqotay qayb ka mid ah “buundo cirka ah” oo ay Imaaraadku hubka ku gaarsiiyaan dhulka ay RSF maamusho, iyadoo ay weheliyaan xarumo kale oo Imaaraadku ka dhisay gudaha Suudaan iyo shabakad saldhigyo ah oo ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Falanqeeyayaasha ayaa xaaladdan soo ifbaxaysa ku tilmaamay “isbahaysi xeeladeed iyo mid hawlgal” oo u dhexeeya Maraykanka iyo Imaaraadka ee Geeska Afrika. Labada dawladoodba waxay cadaw guud u arkaan Iiraan, Xuutiyiinta iyo kooxaha hubaysan sida Daacish iyo Al-Qaacidda. Heshiiskii Abraham (Abraham Accords) ee Imaaraadku xiriirka kula yeeshay Israa’iil iyo iskaashiga sirdoon ee qotada dheer ee uu la leeyahay Washington ayaa sii xoojiyey isbahaysigaas amni.
Si kastaba ha ahaatee, isla shabakadda garoomada diyaaradaha, dekedaha, bakhaarada iyo raadaarada ee udub-dhexaadka u ah hawlgallada la dagaallanka argagixisada ee Maraykanka, ayaa haddana lagu eedeynayaa inay ayaguna quudinaayaan koox maleeshiyaad ah oo lagu soo oogay dambiyo isir-sifayn ah oo ka socda dhanka kale ee Badda Cas.
Hudson wuxuu ku doodayaa in isku-dhafka saadka hawlgallada RSF iyo qalabka hawlgallada wadajirka ah ee Maraykanka iyo Imaaraadku uu Abu Dhabi siinayo “gabboodka ugu habboon, iyadoo la isku qasayo hawlgallada cad (kuwa rasmiga ah) iyo kuwa madaw (kuwa qarsoon). Wax walba waxay isku noqonayaan arrimo mugdi ku jiro oo aan la kala saari karin.”
Halka Trump uu ballanqaadayo inuu “la shaqayn doono Sacuudiga, Imaaraadka, Masar, iyo xulafada kale ee Bariga Dhexe” si loo joojiyo xasuuqa Suudaan, saraakiisha iyo khubaradu waxay leeyihiin imtixaanka dhabta ah wuxuu noqon doonaa in Washington ay diyaar u tahay inay ka hortimaado dalka ay saldhigyada ka kiraysato, gobol ay marto ku dhawaad saddex-meelood meel shixnadaha ganacsiga adduunka, isla markaana ah halka ay ku urursan yihiin danaha Maraykanka ee la dagaallanka argagixisada.
Ilaa hadda, diyaaraduhu weli waxay ka degayaan Boosaaso—is-khilaafka siyaasadda Maraykankuna wuxuu si toos ah uga dhex muuqdaa dhabaha ay diyaaraduhu caga-dhigtaan.

