28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Magacyada horjoogayaal Al-Shabaab ah oo la laayay

Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorseysan oo ay ciidamada Danab todobaadkii hore ka fuliyeen aagga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo jab lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo aad looga taxadaray ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Buula Madiina, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo goobta lagu laayay, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay beegsadeen xubno ka tirsanaa kooxda Khawaarijta oo ku sugnaa Buula Madiina, halkaas oo dhimasho iyo dhaawac loogu gaystay.

“Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska DANAB ayaa 19-ka November fuliyey howlgal qorsheysan oo si heer sare ah loo diyaariyey, kaasi oo ka dhacay deegaanka Buula Madiina ee hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ee halkaas ku dhuumaaleysanayay, kuwaas oo dhibaatooyin iyo cadaadis ku hayay shacabka deegaanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada horjoogayaasha lagu laayay howlgalka ay qaadeen ciidanka kumaandooska Danab, waxaana kamid ah dhagarqabayaal caan ka ahaa deegaanka oo ay ka mid yihiin:-

Kuusow (Zarqaawi) oo qaabilsanaa abaabulka iyo howlgelinta jabhadaha Khawaarijta, Cabduqaadir (Camey) oo ahaa horjoogihii maaliyadda iyo dhaqaalaha Khawaarijta ee Buula Madiina iyo Yacquub Yuusuf horjoogihii Xisbada ee deegaanka, oo shacabka si joogto ah ugu gumaadi jiray baad iyo caburin, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu dhaawacay labo dhagarqabe oo kale, kuwaas oo kala ah Cabdirashiid oo kooxda u qaabilsanaa ururinta baadda ay ka qaadaaa dadka shacabka ah iyagoo u adeegsaday magaca Zakawaad iyo Saalim oo ka tirsanaa ilaalada horjoogayaasha Khawaarijta, kuwaas oo haatan ay ku dabiibeyso kooxda isbitaalka deegaanka Daaru Salaam.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaladda labadaan horjooge ay halis tahay, isla markaana ay aad u liidato, waxna looga qaban waayey isbitaalka la dhigay.

“Ciidanka Kumaandooska DANAB ee XDS waxay sii laba-jibbaarayaan howlgallada ka dhanka ah haraadiga Khawaarijta, iyagoo ka go’an in ay sugaan amniga shacabka Soomaaliyeed iyo xasilloonida gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Shabeellaha Hoose ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday gulufa culus oo ka dhan ah argagixisada, waxaana laga saaray deegaanno muhiim ah oo ku yaalla gobolkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News