Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda iyo siyaasiyiinta Afrikaanka ah iyo kuwa caalamkaba ayaa marar badan Soomaaliya u soo qaata tusaalaha ugu xun, taas oo suurad-xumeyn ku ah dalkeenna.
Hadallada suurad-xumeynta ah waxaa ugu dambeeyay mid uu haatan jeediyay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee DCP.
Ninkan ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Ruto inuu Kenya ka dhigayo sida Soomaaliya, taas oo uga jeedo tusaale liidasho ah oo heerkii ugu hooseeyay gaarsiisan.
“Waxaad shalay maqasheen Ruto oo been u sheegay shacabka isagoo leh Singapore oo kale ayaan ka dhigaya Kenya, laakiin runta waxay tahay haddii uu mar kale doorasho ku guuleysto, dalkeenna wuxuu ka dhigi doonaa sida Soomaaliya,” ayuu yiri Rigathi.
Hore, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaaliya ku sheegay “dowlad fashilantay oo ay hareeyeen laaluush iyo lunsi hanti dadweyne.” Trump ayaa Soomaaliya u soo qaata tusaalaha ugu liita ee dowladnimada.
Trump oo sidoo kale weerara asalka Soomaalinimo ee Ilhaan ayaa ka codsaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu “dib u qaato” Ilhan Cumar, oo ah xildhibaanad Mareykan ah oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya, taasoo muddo dheer ka mid ahayd shaqsiyaadka uu siyaasad ahaan sida gaarka ah u beegsado.
“Waxaan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha. “Waxaan u soo jeediyay inuu laga yaabo inuu jeclaan lahaa inuu dib u qaato. Wuxuuna yiri, ‘Anigu ma doonayo.’”
Sidoo kale wuxuu yiri: “Dalka Ilhan Cumar ee Soomaaliya waxaa hareeyay dowlad dhexe oo aan lahayn awood ay wax ku maamusho, faqri joogto ah, gaajo, argagixisannimo dib usoo cusboonaatay, burcad-badeednimo, dagaallo sokeeye oo tobannaan sano socday, musuq-maasuq, iyo rabshado baahsan.”
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si joogto ah uga mid tahay dalalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka, oo ka mid ah laaluushka, lunsashada hantida iyo dawlad aan shaqaynayn, sida uu ku eedeeyay.
Sidoo kale, Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa kamid ah madaxda Afrikaanka ah ee u gafay Soomaaliya, una adeegsada tusaalooyinka xun. Museveni ayaa mar ku tilmaamay Soomaaliya dal aan lahayn dowlad shaqeysa.
Soomaaliya oo haatan soo kabaneysa ayaa weli hoggaannada qaar isku dayayaan inay suurad-xumeeyaan, waana arrin ay tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu diido.

