Balcad (Caaasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Duqeynta oo ahayd mid culus ayaa lagu qaaday dhufeyso iyo godad waa wayn oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka qoteen deegaanka, kuwaas oo dhulka lala simay.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan ilaa 10 gantaal lagu dhuftay difaacyada ay dhigteen Al-Shabaab, isla markaana uu jiro khasaare xoogleh.
Xaaladda ayaa kacsan, waxaana Xawaadley iyo agagaarkeeda laga dareemayaa saameynta duqeynta xalay lagu garaacay deegaankaas oo ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab.
Dhinaca kale, ciidamada Gorgor iyo kuwa kale oo ka tirsan Xoogga dalka ayaa lasoo warinayaa inay kaabiga ku hayaan Xawaadley, iyaga oo doonayo inay ka saaraan Al-Shabaab.
Ma jiro war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaasi iyo khaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah.
Xawaadley ayaa waxaa bartamihii sanadkan kasoo baxay ciidamada Burundi, waxaana kadib la wareegtay kooxda Al-Shabaab iyo oo illaa iyo hadda gacanta ku hayso.
Deegaankan ayaa sidoo kale 30 KM u jira magaalada Jowhar, waxaana ku yaalla buundo, taas oo ka dhigtay deegaan isku xira bariga iyo galbeedka Shabeellaha Dhexe.

