27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xildhibaan Sanyare oo ka horyimid go’aankii ka soo baxay maamulka Puntland

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si kulul ugu jawaabay maamul Puntland oo deegaan doorasho ahaan uu kasoo jeedo, kadib markii ay diiday kaarka aqoonsiga NIRA.

Xildhibaanka ayaa qaadacay go’aanka Puntland oo dhawaan shaaca ka qaaday in dadka ku sugan deegaannadeeda aysan qaadan karin kaarka NIRA

“Kaarka NIRA kaarka Soomaaliya weeye argagixiso ma ah ciddii qaadata” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare).

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la ilaaliyo midnimada iyo qarannimada Soomaaliya, maadaama dalku leeyahay nidaam iyo kala dambeyn.

Horay Wasiirka Warfaafinta Puntland, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa u sheegay in cid kasta oo qaadata kaarka NIRA ay u aqoonsan doonaan cadow, ayna xiri doonaan, sida uu hadalka u dhigay

Caydiid oo xilligaas jawaab ka bixinayay hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in Al-Shabaab ay qaadan karaan kaarka aqoonsiga ee Hay’adda NIRA.

“Haddaba ciddii kaarka NIRA qaadata annagu haddii aynu Puntland nahay cadow ayaan u naqaan, Al-Shabaab haddii Xasan ku baaqay NIRA kaarkeedana inay qaadato waa cadow, qofkii lagu arkana waa cadow, waana xarig” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Kaarka NIRA ebel sharci darro ayuu ku yimid wax Soomaali isku raacsaneyd maaheyn, Xasana isagaa hadda Madaxweyne ah isagaana sheegtay inuu Al-Shabaab kaarka siinayo”.

- Advertisement -

Read more

Local News