Minneapolis (Caasimada Online) – Donald Trump waa nin looga bartay hadallo xasaasi ah oo muran dhaliya, balse xitaa isaga ayay “lama filaan” ku noqotay, kadib markii wariye uu si live ah u weydiiyey su’aal uu jawaabteeda la rafaaday, aakhirkiina ku dawakhmay.
Dooddan adag ayaa timid xilli madaxweynuhu shaaciyay inuu amrayo dib-u-eegis lagu sameeyo sharciyada degganaanshaha (Green Cards) ee dadka ka soo jeeda Soomaaliya – iyo 18 dal oo kale oo uu ku tilmaamay “kuwo walaac laga qabo.” Tallaabadan ayaa ah middii ugu dambeysay ee silsilado falal ah oo halis gelinaya jiritaanka sharciga ah iyo mustaqbalka Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota.
Xiisaddan ayaa cirka isku shareertay wax yar kadib markii nin u dhashay dalka Afghanistan uu laba askari oo ka tirsan Ilaalada Qaranka (National Guard) ku toogtay magaalada Washington D.C., halkaas oo mid ka mid ahi dhintay, halka kii kalena uu dhaawac culus soo gaaray.
Trump oo dhacdadaas ka faa’iideysanaya ayaa weerar afka ah ku qaaday bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, isagoo yiri: “Haddaad eegto Soomaaliya, Minnesota ayayba la wareegayaan.”
Hase yeeshee, wariyihii wareysiga qaadayay ayaa si adag u qabtay Trump, wuxuuna weydiiyay: “Maxaa xiriir ah oo ka dhexeeya Soomaalida iyo ninkan reer Afghanistan ee toogtay askarta Ilaalada Qaranka?”
Trump ayaa si degdeg ah u beddelay hadalkiisa, isagoo qirtay: “Eee.. waxba,” balse wuxuu markiiba ku xijiyay eedeyn kale: “Laakiin Soomaalidu dhib badan ayay geysteen. Dalkeena ayay boobayaan.”
Saacado kooban kadib toogashadaas, Trump wuxuu mar kale diiradda saaray Soomaalida Minnesota, isagoo khudbad qaran u adeegsaday inuu ku eedeeyo inay gobolkaas khalkhal gelinayaan. “Boqolaal kun oo Soomaali ah ayaa dalkeenna dhacaya, waxayna kala dhantaalayaan gobolkaas beri ahaan jiray mid weyn,” ayuu ku andacooday.
Hadalkan ayuu maalmo ka hor ku sii baahiyay bartiisa Truth Social, isagoo ku hanjabay inuu soo afjari doono Maqaamka Magangalyada KMG ah (TPS) ee Soomaalida – tallaabo uusan awood sharci u lahayn inuu keligiis qaato.
Xoghayaha Amniga Gudaha, Kristi Noem, ayaa xaqiijisay inaanay jirin waqti go’an oo loo qabtay joojinta TPS-ta Soomaalida Minnesota.
Xiisaha cusub ee uu madaxweyne Trump u qabo arrintan ayaa u muuqda mid uu gadaal ka riixayo u-doodaha garabka midig, Christopher Rufo, kaas oo qoraal uu faafiyay November 21-keedii ku sheegtay inuu isagu mas’uul ka yahay arrintan. Rufo ayaa maqaal uu la qoray City Journal ku andacooday in lacago la lunsaday oo laga soo qaaday Minnesota si qarsoodi ah loogu gudbiyay kooxda Al-Shabaab.
Si kastaba ha ahaatee, sheegashadan ayaa la kulantay shaki weyn iyo diidmo. Xafiiska Hantidhawrka Sharci-dejinta ayaa horey u baaray eedeymo noocan oo kale ah, wuxuuna caddeeyay inuu “awoodi waayay inuu xaqiijiyo” wax xiriir ah oo ka dhexeeya lacagaha la lunsaday iyo kooxaha argagixisada.
Warbixinta dib-u-eegista ayaa intaas ku dartay in inkastoo arrimo badan ay “suurtagal yihiin,” haddana aysan jirin caddeymo rasmi ah oo muujinaya in lacagaha la xaday si ula kac ah loogu diray urur argagixiso.
Maqaalka City Journal wuxuu diiradda saarayaa fadeexaddii Feeding Our Future – oo ahayd kiiskii ugu weynaa ee lunsasho hantiyeed ee la xiriirta gargaarka safmarka COVID ee Maraykanka – halkaas oo dhowr iyo toban eedeysane, oo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaali ah, dacwad lagu sooogay.
Jaylaani Xuseen, agaasimaha fulinta ee hay’adda CAIR Minnesota, ayaa ku tilmaamay warbixinta mid siyaasadeysan oo la soo dhoodhoobay.
“Sheekadani ma laha raad iyo sal toona. Falka shaqsi sameeyo ma matalo bulsho dhan,” ayuu yiri Jaylaani. Wuxuu hoosta ka xariiqay in xeer-ilaaliyayaashu rumeysan yihiin in eedeysanayaashu ay u dhaqmeen damac hunguri awgiis, isagoo raaciyay: “Waxaan aaminsannahay in tani tahay olole qorsheysan oo la doonayo in lagu beegsado bulshadeenna.”
Guddoomiyaha Minnesota, Tim Walz, ayaa dhankiisa muujiyay inuu u furan yahay baaritaan federaal ah oo lagu ogaanayo haddii lacago la lunsaday ay gaareen Al-Shabaab.
Sababo la xiriira Soomaaliya oo aan weli lahayn diiwaan dhalasho oo dhameystiran iyo dhul ballaaran oo ay maamulaan maleeshiyaad, saraakiisha Reer Galbeedka ayaa muddo dheer ka digayay in xaqiijinta aqoonsiga ama kala-soocidda shakhsiyaadka xiriirka la leh xagjiriinta ay tahay caqabad adag xilliga dib-u-dejinta qaxootiga.

