Garoowe (Caasimada Online) – Dood cusub ayaa ka abuurmatay doorashada 2029 ee maamulka Puntland, kadib markii ganacsade Jaamac Dhaga-dheere oo ka tirsan xisbiga Kaah ee hoggaamiyo Saciid Deni uu sheegay in beeshu u tanaasuhay madaxweynaha doorashada soo socota.
Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo xildhibaano kamid ah baarlamaanka maamulka Puntland ayaa iska daba qaatay hadalka kadib markii Ganacsade Jaamac Dhaga-dheere uu yiri “kuwa kursiga odayga raadinayow, anagu hadaan nahay reer Nugaaleed odayga waan daynay”.
Xildhibaan Sanyare oo hadalkaas ka fal-celiyay ayaa si adag uga horyimid sheegashada Dhaga-dheere, isagoo yiri “waxaan arkayay nin oday ah oo saaxiibkey ah oo leh, anaga reer Nugaaleed ah Siciid Deni, kursiga waa u daynay isagaa noogu fadhiyaya, waxaan leeyahay adeer 2029 waa sanadkii Qoodha, ee maydka culeyskiisa iska dhin”.
Intaas kadib, waxaa ka daba qaatay xildhibaan Sanyare mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Puntland oo la baxay Barsan, taas oo loo soo gaaniyay Bari iyo Sanaag.
Xildhibaannadan ayaa sheegay in aysan Mudug ka yeelayn wixii ay ka diideen Nugaal, iyagoo hadalka xildhibaan Sanyare ku tilmaamay “riyo aan meel jirin”.
“Xildhibaan Sanyare wuxuu ku riyoonayaa 2029, in la riyoodo waxa ka horreysa in la seexdo, wixii aan shalay ka diidnay Nugaal, ka yeeli mayno Mudug,” ayuu yiri xildhibaan Shiikh-aduunyo.
Sidoo kale, xildhibaan Suldaan Bashiir Aadan ayaa isna yiri “Barsan weli waa soo jeedaa, ma seexan”.
Arrimahan waxay imanayaan xilli uu Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni qorsheynayo inuu mar saddexaad hoggaamiyo Puntland, isla markaana uu u tartamo doorashada 2029, haddii uu ku soo hungoobo doorashada Federaalka ee uu haatan u hanqal taagayo.

