Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horraysay ku dhawaaqay inuu ka shaqaynayo sidii meesha looga saari lahaa dhammaan ciidan-beeleedyada ka sugan Puntland, loona dhisi lahaa ciidan dowladeed oo awood leh, isla markaana aan ka amar qaadan madaxweyne ama shaqsi kale oo bulshada danahiisa uga dhex adeegsada.
Madaxweyne Deni, oo ka hadlay dedaallada dhismaha ciidanka Puntland, ayaa digniin u diray shaqsiyaad uu sheegay inay wadaan hab-qabiil iyo kicin bulsho, isagoo xusay in xukuumaddiisu doonayso dhismaha ciidan dowladeed oo dhammaan dadka u dhexeeya, isla markaana aan lahayn beel gaar ah.
“Waxaan rabaa inaan nidaamka dowliga ah ku kala baxno oo aan hoos u dhigno kicinta dadweynaha, qabyaaladda iyo si xun wax u raadiska. Waxaan rajaynayaa inaynu yeelanno ciidan u dhexeeya qabaa’ilka iyo xisbiyada. Ciidan dowladeed ayaan rabnaa inaan dhisno; ciidan reereed ma aha, ciidan kooxeedna ma aha,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in marka uu xilka ka dego uu doonayo inaanay Puntland ka jirin ciidan beeleed, kuwo isaga daacad u ah, ama ciidamo aan ku shaqayn hannaan dowladeedka Puntland.
“Ma maqli doontaan markaan xilka ka tago ciidan la yiraahdo ‘madaxweynihii weli daacad u yihiin’ oo halkaa jooga. Taas maalinna kama shaqayn, diyaarna uma ahi. Waxaan rabnaa inaan ka tago ciidan Puntland ah oo awood leh. Waxaan rabnaa inaan u gudubno wax naga wada dhexeeya,” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi.
Saciid Deni ayaa dhanka kale u mahadceliyay Dowladda Imaaraadka oo uu sheegay in Puntland ku taageertay horumarinta Booliiska, dhismaha xarunta Taliska Guud ee Booliiska iyo dhismeyaasha Talisyada qeybaha Booliiska ee Gobollada Puntland, kuwaasi oo dhammaantood loo dhisay hab casri ah loona qalabeeyay si heer sarre ah.
Sida ay sheegtay madaxtooyada Puntland, dowladda Puntland ayaa muhiimad gaar ah siisay diyaarinta Booliis casri ah oo adduunka la jaanqaadaya, waxaana hadda si ku meel gaar ah u hawlgalay 500 Booliis cusub ah kuwaasi oo qalabkoodu u dhameystiranyahay iyadoo tiro intaasi leegna uu hadda tababar uga socdo kulliyada tababarada Booliiska ee degmada Carmo.

