30 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Ciidan la wareegay saldhiggii militariga Mareykanka ee…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dimishiq (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Suuriya ayaa shaacisay Axaddii in ciidamadeedu ay si rasmi ah ula wareegeen gacan-ku-haynta saldhigga milateri ee Al-Shadadi oo ku yaalla gobolka waqooyi-bari ee dalkaas, tallaabadan oo timid maalmo uun kadib markii ay la wareegeen xarun kale oo istiraatiiji ah oo ku taalla soohdinta Urdun iyo Ciraaq.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri: “Ciidamada Carabta ee Suuriya waxay la wareegeen saldhigga Al-Shadadi ee dhaca miyiga gobolka Xasaka, kadib isku-duwid iyo wada-hadal dhex maray dhanka Mareykanka.”

Saldhiggan ayaa ahaa fariisin muhiim ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada Mareykanka ee qeybta ka ah isbaheysiga caalamiga ah ee la dagaalanka kooxda Daacish.

Magaaladan ayaa sidoo kale hoy u ahayd xabsi ay ciidamada Kurdiyiintu ku hayeen xubno ka tirsan kooxdaas xagjirka ah, ka hor inta aysan ciidamada dowladda la wareegin gacan-ku-haynta aaggaas bishii hore.

Ku dhawaaqistan Axadda ayaa kusoo aadeysa iyadoo Mareykanku uu Khamiistii xaqiijiyay inay banneeyeen saldhigga Al-Tanf ee ku yaalla xuduudda isku xirta Suuriya, Urdun iyo Ciraaq.

Isbedelka isbaheysiga

Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya (SDF) ee ay hoggaamiyaan Kurdiyiinta ayaa ahaa saaxiibka ugu weyn ee Mareykanka ee dagaalkii ka dhanka ahaa Daacish, iyagoo door weyn ka qaatay jabinta awooddii dhuleed ee kooxdaas sanadkii 2019.

Hase yeeshee, tan iyo markii uu dhacay maamulkii muddada dheer jiray ee Bashaar Al-Asad bishii Diseembar 2024, Washington waxay u janjeersatay dhanka dowladda cusub ee Dimishiq, iyadoo dhowaan ku dhawaaqday in baahidii loo qabay isbaheysiga Kurdiyiinta ay soo dhammaatay.

Inkastoo kooxda Daacish laga qabsaday dhulkii ay maamuli jirtay, haddana weli waa ay firfircoon tahay.

Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa Sabtidii sheegay in ciidamadoodu ay duqeeyeen in ka badan 30 bartilmaameed oo kooxdaas ay ku lahayd gudaha Suuriya bishan gudaheeda.

Bayaanka CENTCOM ayaa lagu xusay in duqeymahaas oo dhacay intii u dhaxeysay 3-dii ilaa 12-kii Febraayo lala beegsaday “kaabayaasha iyo goobaha hubka lagu keydiyo” ee kooxda.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News