30.1 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Loolanka Turkey iyo Israel ee Soomaaliya oo xoogeystay iyo Ankara oo dirtay farriin culus

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhoolatus milateri oo ay sameeyeen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga nooca F-16 dabayaaqadii bishii Janaayo ayaa cirka ku shareeriyay saadaasha siyaasadeed ee Geeska Afrika, iyadoo diyaaradahan ay dul heehaabeen hawada magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen saraakiisha Turkiga, ujeedka tallaabadan ayaa ahayd mid lagu ilaalinayo danaha Turkiga ee gobolka, laguna taageerayo dadaallada dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Hase yeeshee, tallaabadan ayaa si toos ah u daba-socotay go’aankii bishii Diseembar ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, tallaabo ay Ankara ku tilmaamtay mid khatar ku ah midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Soli Ozel, oo ah khabiir ku takhasusay cilaaqaadka caalamiga ah ee Turkiga, ayaa sheegay in farriinta ay xambaarsan yihiin diyaaradahaas ay ku socoto Israa’iil: “Ha ku ciyaarina danaheenna halkan.”

Waxa uu saadaaliyay in Soomaaliya ay noqon doonto furimaha cusub ee loolanka u dhexeeya labadan Ankara iyo Tel Aviv.

“Uma maleynayo inay toos u dagaalami doonaan, balse labada dhinacba waxay muujinayaan awooddooda,” ayuu yiri Ozel. “

Aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland iyo Turkiga oo diraya F-16 iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) waa isku-day ay qolo walba xariiqda cas ugu dhigayso qolada kale.”

Kala-shaki

Dhacdadan ayaa ka tarjumaysa xurgufta sii kordheysa ee u dhaxaysa xiriirka Turkiga iyo Israa’iil, kaas oo horey u cakirnaa sababo la xiriira taageerada Ankara ee Xamaas iyo dagaalka Gaza.

“Waa bog cusub oo u furmay loolanka u dhexeeya labada dal, kuwaas oo hadda ah quwadaha milateri ee ugu tunka weyn Bariga Dhexe,” ayuu yiri Norman Ricklefs, oo ah madaxa shirkadda la-talinta siyaasadda juqraafiyeed ee Namea Group.

Gallia Lindenstrauss, oo ah khabiir ku takhasustay siyaasadda arrimaha dibadda ee Israa’iil, kana tirsan machadka daraasaadka amniga qaranka ee Tel Aviv, ayaa ku doodaysa in Israa’iil aysan dooneyn inay tartan la gasho Turkiga ama Soomaaliya.

Taa beddelkeeda, waxay sheegtay in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo ballaarinta iskaashiga ay salka ku hayaan muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Somaliland oo ku beegan dalka Yemen, halkaas oo ay ku sugan yihiin fallaagada Xuutiyiinta oo sannadkii hore weerarro ku qaaday magaalooyinka Israa’iil.

“Xuutiyiintu waxay ahaayeen kooxdii ugu dambaysay ee weli gantaallo ku weeraraysa Israa’iil, iyagoo ka wakiil ah Iiraan. Tani waa khatarta ugu weyn ee Israa’iil haysata,” ayay tiri Lindenstrauss.

Si kastaba ha ahaatee, waxay qiratay in labada dhinac ay tallaabooyinka midba midka kale u arko mid shaki ku jiro. “Waxa Israa’iil u aragto difaac, Turkigu wuxuu u arkaa tallaabo ka dhan ah Ankara.”

Isbaheysiyo is-diidan

Shakiga Turkiga ayaa sii kordhi kara haddii Israa’iil ay qalab milateri geysto Somaliland si ay uga hortagto khatarta Yemen, qorshe uu khabiir Israa’iili ah sheegay inuu yahay yiigsiga Israa’iil.

Ricklefs ayaa ka digaya in Israa’iil ay u baahan tahay inay si taxadar leh u tallaabsato, marka la eego maalgashiga baaxadda leh ee Turkiga ku sameeyay Soomaaliya 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Turkiga wuxuu Soomaaliya ku leeyahay saldhigga milateri iyo safaaradda ugu weyn ee uu ku leeyahay dibadda, wuxuuna heshiisyo la galay Muqdisho oo ku saabsan baarista shidaalka iyo difaaca badda.

“Turkiga ayaa gacanta ku haya dekedda Muqdisho, tababarka ciidamada, hay’adaha samafalka iyo NGO-yada. Sidaas darteed, Soomaaliya aad ayey muhiim ugu tahay hamiga istiraatiijiyadeed ee Turkiga,” ayuu yiri Ricklefs.

Lindenstrauss ayaa xustay in loolanka Turkiga iyo Israa’iil ee Soomaaliya uu sii cakirayo soo ifbaxa laba isbaheysi oo iska soo horjeeda gobolka: “Dhinac waxaad ku arkaysaa Giriigga, Qubrus, Israa’iil iyo Imaaraadka. Dhinaca kalena waxaad arkaysaa Turkiga, Sacuudiga, Pakistan, Masar iyo Qadar,” ayay tiri.

Ricklefs ayaa xusay in xiisadahan ay horey ugu horseedeen iska horimaad meelo kale, sida Liibiya, halkaas oo ay ku loolameen kooxo kala taabacsan Imaaraadka iyo Turkiga.

Mar wax laga weydiiyay in xaalad taas la mid ah ay ka dhici karto Soomaaliya, Ricklefs wuxuu sheegay inuusan aaminsanayn in xaaladdu weli heerkaas gaartay.

“Uma maleynayo inaynu weli heerkaas gaarnay marka laga hadlayo Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yiri. “Run ahaantii, dhinaca kaliya ee door dhexdhexaadin ah ka ciyaari kara, xiisaddana qaboojin kara, waa Mareykanka.”

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News