Tehran (Caasimada Online) — Duqeymo culus oo ay Israa’iil Sabtidii la beegsatay 30 xarumood oo lagu keydiyo shidaalka gudaha Iiraan ayaa sababay khilaafkii ugu horreeyay ee weyn ee soo dhex-gala xukuumadaha Washington iyo Tel Aviv tan iyo markii uu dagaalku qarxay siddeed maalmood ka hor, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Mareykan iyo Israa’iili ah iyo ilo xog-ogaal ah.
Xukuumadda Washington ayaa si weyn uga walaacsan in beegsiga kaabayaasha u adeega shacabka caadiga ah ee Iiraan ay dhalin karto cawaaqib-xumo dhanka istaraatiijiyadda ah, taas oo horseedi karta in bulshada Iiraan ay is-garab taagto nidaamka Tehran, isla markaana ay cirka isku shareeraan qiimaha shidaalka caalamka.
Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa sababay dab lixaad leh oo qabsaday caasimadda Tehran, iyadoo ololka iyo qiiq madow oo is-qabsaday laga arkayay masaafooyin fog-fog.
Bayaan kasoo baxay Taliska Milateriga Israa’iil (IDF) ayaa lagu sheegay in keydadkan shidaalka ay dowladda Iiraan u adeegsato inay sahay ku siiso qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan hay’adaheeda milateriga.
Sarkaal ka tirsan milateriga Israa’iil ayaa xusay in ujeedka duqeymahan ay qayb ahaan ahaayeen farriin Iiraan loogu sheegayo inay joojiso beegsiga kaabayaasha rayidka ee Israa’iil.
Falcelinta Mareykanka
Inkastoo saraakiil labada dhinac ah ay xaqiijiyeen in milateriga Israa’iil ay horay ugu sii wargeliyeen dhiggooda Mareykanka ka hor inta aysan weerarka qaadin, haddana sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in Washington ay la yaabtay baaxadda iyo baahsanaanta duqeymahan.
“Uma aragno in tani ay ahayd fikrad wanaagsan,” ayuu yiri sarkaal sare oo Mareykan ah.
Dhanka kale, sarkaal Israa’iili ah ayaa shaaciyay in farriinta kasoo baxday Mareykanka ee ku aaddan dhacdadan ay ahayd mid muujinaysa yaab iyo weydiin kulul (oo ay ku sifeeyeen ereyga ‘WTF’).
Aqalka Cad iyo milateriga Israa’iil ayaan wali wax war ah kasoo saarin arrintan.
In kasta oo xarumaha la duqeeyay aysan ahayn kuwo si toos ah u soo saara shidaalka ceyriin, haddana saraakiisha Mareykanka ayaa ka cabsi qaba in muuqaallada keydadka gubanaya ay argagax geliyaan suuqyada caalamiga ah, taasna ay sii kordhiso kharashka tamarta.
La-taliye ka tirsan maamulka Madaxweyne Trump oo la hadlay warbaahinta Axios ayaa yiri: “Madaxweynuhu ma jecla weerarkan. Wuxuu doonayaa inuu badbaadiyo shidaalka. Ma doonayo in la gubo. Waxayna arrintani dadka xusuusinaysaa qiimaha shidaalka ee qaaliga ah.”
Hanjabaad aargoosi
Dhanka kale, afhayeenka taliska Khatam al-Anbiya ee Iiraan, oo maamula hawlgalada milateri ee dalkaas, ayaa Axaddii ka digay in haddii la sii wado weerarada ka dhanka ah kaabayaasha shidaalka Iiraan, ay Tehran kaga jawaabi doonto duqeymo la mid ah oo ay la beegsato guud ahaan gobolka.
Wuxuu intaas raaciyay in Iiraan aysan ilaa hadda beegsan kaabayaasha shidaalka iyo tamarta ee dalalka deriska ah, balse wuxuu ku goodiyay in haddii ay sidaas sameyso, qiimaha hal fuusto oo shidaal ah uu gaari karo $200 oo doolar.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Baaqir Qalibaf, oo ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa nidaamka, ayaa isna dhankiisa bixiyay digniin adag oo ah in haddii weerarada kaabayaasha ay sii socdaan, Iiraan ay aargoosan doonto “dib-u-dhac la’aan.”
Sarkaal Mareykan ah ayaa xaqiijiyay in khilaafkan soo baxay iyo waxa ay Washington ka rajeynayso hab-sami-u-socodka dagaalka la filayo in si qoto dheer looga wada hadlo heerar siyaasadeed oo sare oo u dhexeeya labada dowladood ee xulafada ah maalmaha soo socda.

