Madrid (Caasimada Online) — Dowladda Spain ayaa go’aansatay inay si rasmi ah ula baxdo safiirkeedii u fadhiyay Israa’iil, Ana Maria Salomon Perez, sida lagu daabacay faafinta rasmiga ah ee dowladda maalintii Arbacada.
Tallaabadan ayaa imanaysa xilli Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez, uu noqday hoggaamiyaha ugu cadcad qaaradda Yurub ee sida weyn uga soo horjeeda xasuuqa Israa’iil ay ka waddo Gaza iyo dagaalka ay iyada iyo Mareykanka ku qaadeen dalka Iiraan.
Safaaradda Spain ee magaalada Tel Aviv ayaa hadda wixii ka dambeeya waxaa hoggaamin doona sii-hayaha xilka safiirka (charge d’affaires), sida uu ilo-wareed ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda u sheegay warbaahinta Middle East Eye.
“Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxay xaqiijinaysaa in ay la baxday safiirkii Tel Aviv, kaas oo markii hore loogu yeeray la-tashi ‘aan waqti lahayn’, taas oo ka dhigaysa in safaaradda Spain ee Tel Aviv uu hoggaamiyo sii-haye, si la mid ah heerka safaaradda Israa’iil ay ku leedahay Madrid,” ayuu sarkaalkan xog-ogaalka ah u sheegay Middle East Eye.
Khilaaf sii xoogeysanaya
Go’aankan ayaa ah calaamaddii ugu dambeysay ee muujinaysa kala fogaanshaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Madrid iyo Tel Aviv, kaas oo kasii darayay tan iyo markii Israa’iil ay bilowday weeraradeeda baabi’inta ah ee Gaza bishii Oktoobar 2023.
Spain ayaa ka mid ah dowladaha tirada yar ee reer Yurub ee si joogto ah u cambaareeya hab-dhaqanka Israa’iil ee Gaza, iyadoo ku tilmaantay xasuuq. Sannadkii 2025-kii, Spain waxay mamnuucday in maraakiibta iyo diyaaradaha hubka u sida Israa’iil ay isticmaalaan dekedaha ama hawadeeda.
Sidoo kale, dalkan ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dowladda Falastiin bishii May 2024, taas oo ku qasabtay Israa’iil inay wadatashi ugu yeerato safiirkeedii fadhiyay Madrid.
Xiriirka labada dal ayaa mar kale dhaawacmay ka dib markii safiirka Spain ee Israa’iil, Perez, loogu yeeray dalkeeda bishii Sebtembar ee sannadkii hore.
Tani waxay ka dhalatay muran diblomaasiyadeed oo yimid markii xukuumadda Sanchez ay Israa’iil kusoo rogtay sagaal tallaabo oo cunaqabateyn ah, kuwaas oo uu ku jiro cunaqabateyn hub oo dhammaystiran.
Hadda, labada dal iskuma hayaan wax safiiro ah; safiirkii hore ee Israa’iil ayaa xilkiisa ka tagay 2024, labada safaaradoodna waxaa haatan maamula sii-hayeyaal.
Diidmada qorshaha Trump
Bishii Janaayo, Ra’iisul Wasaare Sanchez ayaa diiday inuu ku biiro qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee loo yaqaan “Guddiga Nabadda” ee lagu maamulaya Gaza. Wuxuu qorshaas ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah shuruucda caalamiga ah, isagoo si adag uga soo horjeestay in meesha laga saaro Maamulka Falastiiniyiinta.
Xiisadda ayaa mar kale cirka isku shareertay toddobaadyadii lasoo dhaafay oo ku aaddan dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan. Sanchez ayaa si xooggan u dhaleeceeyay ololahaas milateri isagoo ku sifeeyay mid sharci-darro ah.
Wuxuu si cad u diiday inuu Mareykanka u oggolaado isticmaalka saldhigyada milateri ee ay labada dal si wadajirka ah u maamulaan ee ku yaalla koonfurta Spain, si loogu fuliyo hawlgalo lala xiriirinayo duqeymaha Iiraan.
Go’aankan ayaa dhaliyay isku dhac fagaare ah oo dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Trump, kaas oo ku eedeeyay Spain inay tahay dal “aan saaxiib ahayn” isla markaana ku hanjabay inuu dalkaas ka jari doono xiriirka ganacsi.
“Dagaal maya”
Khudbad laga sii daayay telefishinka horraantii bishan, Sanchez ayaa difaacay mowqifka xukuumaddiisa, isagoo fariintiisa kusoo koobay laba erey oo cad: “Dagaal Maya.”
Isagoo u jawaabayay Madaxweyne Trump khudbaddiisii 4-tii Maarso, Ra’iisul Wasaaraha Spain ayaa bixiyay digniin culus.
“Hal sharci-darro laguma xallin karo mid kale, sababtoo ah sidaas ayay ku bilowdaan masiibooyinka waaweyn ee aadanaha. Inta badan, dagaallada waaweyn waxay ka dhashaan dhacdooyin isdaba-joog ah oo faraha ka baxa, kuwaas oo ka dhasha xisaab-xumo, cilado farsamo, ama xaalado aan la saadaalin karin.”
Wuxuu hadalkiisa kusoo xiray dardaaran la xiriira ilaalinta nabadda caalamka.
“Sidaas darteed, waa inaan wax ka barannaa taariikhda, mana ku ciyaari karno masiirka malaayiin qof. Spain waxay garab taagan tahay mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Yurub. Waxay garab taagan tahay Axdiga Qaramada Midoobay. Waxay garab taagan tahay shuruucda caalamiga ah iyo sidaas darteed nabadda iyo wada-noolaanshaha nabdoon ee dalalka.”

