26.8 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Ciidamada ka soo horjeeda Lafta-gareen oo dagaal kula wareegay magaalada…

Bookmark
Bookmarked

Share

Qansaxdheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay gudaha degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa mucaaradka ee la baxay ‘badbaadada Koonfur Galbeed’.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa ku fiday xaafadaha degmada iyo duleedka, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan illaa 5 qof ayaa ku dhintay dagaalka, kuwaas oo isugu jiray labada dhinac iyo dad shacab ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gudaha degmada Qansaxdheere, iyada oo dhinacyadu ay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii dari karta xiisadda.

Ma jiro wax hadal ah kasoo baxay Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay Qansaxdheere, ee lasoo wariyay in ay la wareegeen ciidamada taabacsan mucaaradka maamulkaasi.

Xiisaddan ayaa daba socoto arrimo la xiriira khilaafka ka taagan doorashada maamulkaas oo marar badan dib uga dhacday waqtigeeda, iyada oo hadda ay xiisadda isku rogtay gacan ka hadal.

Dhanka kale, degmada Buurhakaba ayaa iyana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo uu dhexeeya labada dhinac, iyada oo maalmo kahor mucaaradka ay hub geeyeen degmadaas, kaas oo loo qaybiyay ciidamada kasoo horjeedo Laftagareen.

Waxaa kasii ka horreeyay dagaal kale oo dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo looga adkaaday ciidamada mucaaradka, kadib markii laga saaray guri ay ku sugnaayeen oo ku yaalla magaaladaasi, kadib weerar ay ku qaadeen ciidamada amniga ee Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Read more

Local News