Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha waaxda canshuuraha ee maamulka gobolka Banaadir, Hibo Maxamuud Cali (Farey) oo xalay kormeer ku tegtay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar saameynaya ganacsatada ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Ugu horreyn Hibo Farey ayaa ka hadashay boorarka duugoobay ee ku dhegsan waddooyinka caasimada, waxayna fartay ganacsatada leh inay dib usoo cusbooneysiiyaan, isla markaana ay ka qayb qaataan bilicda caasimada.
“Magaalada Muqdisho caasimad waayay tabeelayaasha waxaa lagu xayeysiistaa ganacsi, kormeekeenna wuxuu ujeedkiisu ahaa sidii loo casriyeyn lahaa inaan ganacsatad u sheegno oo la sameeyo sidaan si ka duwan” ayay tiri Hibo Farey.
Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Waxaan u baahanahay boorarkaas in la beddelo oo sidii loo soo sameyn jiray si ka duwan loo soo sameeyo, si ay bilicda iyo nadaafadda magaalada Muqdisho qayb uga qaataan”.
Waxaa kale oo ay amar dul-dhigtay ganacsatada qaar ee boorarkooda soo diiwangelin, isla markaana ku xayeysiista ganacsiyadooda, iyada oo sheegtay in laga rabo canshuurta ku waajibtay, haddii kalena tallaabo laga qaadi doono.
Agaasinka ayaa isla xalay mamnuucay boorar ku dhegsanaa waddooyin ku yaalla degmooyinka Hodan iyo Waabari oo uu gaaray kormeerku.
“Fursaddan waxaan uga faa’iideysanayaa boorar iyadoo aan la diiwaangelinin la’iska dhegsaday oo jidadka ku dheggan oo canshuurna laga qaadin ciddii soo dhegsatayne aan la ogeyn ganacsiyada iyo shirkadaha falkaas ku kacay waxaa uga digeynaa arrintan waxaana u sheegeynaa in in sida ugu dhaqsiyaha badan inay soo diiwaangeliyaan ganacsiyadooda, canshuurtana ay bixiyaan” ayay markale tiri agaasimaha waaxda canshuuraha ee maamulka gobolka Banaadir.
Si kastaba, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmahan waday qorshe guud oo lagu hormarinayo caasimada, waxaana dib loo dhisay waddooyin muhiim u ah shacabka, iyadoo sidoo kale wax laga qabtay nadaafadda caasimada.

