30.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

K/Galbeed oo amar culus dul dhigtay saraakiisha ciidanka xilli ay ka dareyso xiisadda DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa amar cusub dul dhigay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan maamulkaasi, xilli uu kasii darayo khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warqad kasoo baxday Wasaaradda Amniga Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu faray saraakiisha iyo askarta ka tirsan ciidamada qalabka sida inaysan ka safri karin magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka.

“Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyada oo ka duuleysa mas’uuliyadda ka saaran sugidda amniga iyo xasiloonida guud ee deegaannada Dowlad-goboleedka KGS, waxay halkan ku wargelineysaa dhammaan saraakiisha kor ku xusan in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 16/03/2026 aysan magaalada Baydhabo uga bixi karin wax safar ah ilaa amar dambe inta lagu guda jiro howlo amni lagu xaqiijinayo,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday maamulka.

Xannibaadda safar ee maamulka saaray askarta iyo saraakiisha ku sugan gudaha maamulka ayaa kusoo aadeysa xilli warar soo baxaya saacadihii lasoo dhaafay ay tilmaamayaan in Dowladda Federaalka u yeertay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed.

Amarkan ayaa si toos ah loogu wargeliyay maamulka Garoonka Shaatigaduud ee magaalada Baydhabo.

Wasaaradda ayaa si cad u sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono sarkaalkii u hoggaansami waaya amarkan kasoo baxay Wasaaradda Amniga ee isku daya inuu ka safro deegaannada Koonfur Galbeed.

“Dhammaan saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ku xusan warqaddan waxaa la farayaa inay u hoggaansamaan amarkan, ilaa amar kale oo rasmi ah kasoo baxo Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Isku dhaca labada dhinac ayaa durba furin cusub ka dhex furay dagaalka siyaasadeed ee dalka ku baahsan, kaas oo salka ku haya wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo awood-qaybsiga dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.

Xasaraddan cusub ayaa sidoo kale kusoo beegantay maalmo un kadib markii baarlamaanka federaalku uu 5-tii bishan Maarso ansixiyay qodobo dastuuri ah oo lagu muransan yahay, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay isla 8-dii Maarso, si ay u noqdaan xeer rasmi ah.

- Advertisement -

Read more

Local News