Washington (Caasimada Online) — Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqday go’aan cusub oo ay muwaadiniinta u dhashay 50 waddan ugu xireyso shardi ah inay bixiyaan lacag damaanad ah oo gaareysa $15,000, si ay u dalbadaan dal ku-galka (Fiisaha) Mareykanka, sida uu Arbacadii xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Washington.
Sarkaalkan, oo diiday in magaciisa la shaaciyo, ayaa warbaahinta u sheegay in 12 dal oo cusub lagu soo daray liis horay u jiray oo ka koobnaa 38 waddan, kuwaas oo u badan waddamo ku yaalla qaaradda Afrika.
Barnaamijkan la ballaariyay ee damaanadda fiisaha, kaas oo qasbaya in muwaadiniinta ajnabiga ah ay bixiyaan lacagtaas marka ay dalbanayaan fiisaha nooca B1 ama B2 ee ganacsiga iyo dalxiiska, ayaa si rasmi ah u dhaqan geli doona 2-da bisha April.
Ujeeddada laga leeyahay tallaabadan adag ayaa ah in looga hortago in dadka booqashada ku yimaada Mareykanka ay iska dhex joogaan dalka markii uu ka dhaco waqtiga dal ku-galkooda, sida uu xusay sarkaalka u hadlay Wasaaradda.
Waddamada cusub ee lagu soo kordhiyay barnaamijkan ayaa kala ah; Cambodia, Ethiopia, Georgia, Grenada, Lesotho, Mauritius, Mongolia, Mozambique, Nicaragua, Papua New Guinea, Seychelles, iyo Tunisia.
Sarkaalka ayaa caddeeyay in lacagtan damaanadda ah dib loo siin doono dadka fiisaha qaata haddii ay dalkooda dib ugu laabtaan iyagoo si buuxda u dhowraya shuruudaha fiisaha iyo damaanadda, ama haddii ay gabi ahaanba baajiyaan safarkooda.
Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo ee 2025, Madaxweyne Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa hirgeliyay siyaasad adag oo dhanka socdaalka ah.
Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah olole baaxad leh oo dadka lagu tarxiilayo, la-laabashada fiisooyinka iyo kaararka deganaanshaha (Green Cards), iyo waliba baaritaan qoto dheer oo lagu sameeyo baraha bulshada iyo khudbadihii hore ee dadka soogalootiga ah.
Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si kulul u cambaareeyay siyaasadaha Trump ee la xiriira socdaalka iyo safarka, iyagoo ku tilmaamay kuwo xaddidaya dammaanad-qaadka habraaca caddaaladda iyo xorriyadda hadalka.
Dhanka kale, Madaxweyne Trump iyo xulafadiisa ayaa ku doodaya in siyaasadahani ay lagama maarmaan u yihiin horumarinta iyo sugidda amniga gudaha ee dalka.
Bishii Juun ee la soo dhaafay, madaxweynaha ayaa soo saaray xayiraad safar oo si buuxda ama qayb ahaan uga mamnuucday muwaadiniinta 19 dal inay soo galaan ciidda Mareykanka, isagoo sabab uga dhigay in go’aankaas uu salka ku hayo amniga qaranka.
Sarkaalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku dooday in barnaamijka damaanadda fiisaha uu durba hoos u dhigay tirada dadka sharci-darrada dalka ku sii jooga kadib markii uu waqtigu ka dhaco dal ku-galkooda.
Waddamada 38-ka ah ee markii horeba ku jiray liiskan ayaa kala ah; Algeria, Angola, Antigua and Barbuda, Bangladesh, Benin, Bhutan, Botswana, Burundi, Cabo Verde, Central African Republic, Cote d’Ivoire, Cuba, Djibouti, Dominica, Fiji, Gabon, The Gambia, Guinea, Guinea-Bissau, Kyrgyzstan, Malawi, Mauritania, Namibia, Nepal, Nigeria, Sao Tome and Principe, Senegal, Tajikistan, Tanzania, Togo, Tonga, Turkmenistan, Tuvalu, Uganda, Vanuatu, Venezuela, Zambia, and Zimbabwe.

