29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Koonfur Galbeed oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu hadda khilaaf culus kala dhexeeyo Dowladda Federaalka ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo uga sii dareysa xiisadda labada dhinac.

Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Koonfur Galbeed oo qoraal soo saartay ayaa hakisay duulimaadyadii tegi lahaa Baydhaba, marka laga reebo diyaaradaha UN-ka iyo kuwa ay adeegsadaan ciidanka howlgalka AUSSOM.

Warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cali Maxamed (Amardambe), ayaa waxaa lagu amray diyaaradaha in aysan soo qaadi karin qof siyaasi ah oo aan heysan ruqsad rasmi ah, maadaama ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo culus.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ujeedka ku sheegtay in go’aanakn uu la xiriiro xaqiijinta amniga deegaannadeeda, si looga hortego khatar dibadda ah.

Arrintan ayaa u muuqata mid si gaar ah loogu beegsanayo mas’uuliyiinta DFS iyo xubnaha mucaaradka oo la sheegay in qaarkood ay ku wajahan yihiin deegaanno ka tirsan maamulkaasi oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Horay Koonfur Galbeed ayaa si toos ah xiriirkii ugu jartay Dowladda Federaalka, iyada oo uu meel xun gaaray khilaafka Muqdisho iyo Baydhaba oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka dalka.

Dhankeedka dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah, waxayna saaka ciidamo u dirtay magaalada Baraawe ee caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo loogu talagalay inay xoojiyaan ciidanka dowladda ee ku sugan halkaasi, sidoo kalena xaqiijiyaan amniga guud ee magaaladaasi.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay horay u taagnaayeen khilaafaad kale oo ka dhashay doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dhawaan la ansixiyay, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

- Advertisement -

Read more

Local News