Nairobi (Caasimada Online) – Kumannaan gawaarida raaxada ah oo laga soo raray dalka Japan, kuna socday magaalada Dubai ayaa laga dejiyay dekedda Lamu ee dalka Kenya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dekedda.
Dagaalka ka qarxay Bariga Dhexe ayaa u muuqda mid fursad koboc ah siinaya dekedaha iyo xarumaha isku-socodka maraakiibta ee qaaradda Afrika.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay muuqaallada tobannaan gaari oo ah nooca qaaliga ah ee Porsche oo la dhigay bakhaar ku yaalla Lamu. Jasiiraddan quruxda badan oo ka tirsan goobaha taariikhiga ah ee hay’adda UNESCO ayay dowladda Kenya u horumarinaysaa xarun weyn oo cusub oo dhanka gaadiidka ah.
Gawaaridan Porsche-yada ah ayaa ka mid ahaa in ka badan 4,000 oo baabuur oo toddobaadkii la soo dhaafay laga soo dejiyay laba markab oo ay leedahay shirkadda Grimaldi Group ee laga leeyahay dalka Talyaaniga.
Markabkii ugu dambeeyay ayaa ka soo shiraacday dekedda Yokohama ee dalka Japan 24-kii bishii Febraayo, afar maalmood ka hor intii aysan Mareykanka iyo Israa’iil dagaal ku qaadin Iiraan, arrintaas oo keentay in gebi ahaanba la xiro isku-socodkii maraakiibta ee marinka muhiimka ah ee Hormuz.
Dekedda Jebel Ali ee magaalada Dubai oo ahayd halka ay gawaaridan ku socdeen ayaa 1-dii bishii Maarso lagu garaacay duqeymo xagga cirka ah oo ay fulisay Iiraan
Si kastaba, gaadiidkaan ayaa la rabay in Dubai marka la geeyo kadib loo kala iibgeeyo dalal dhaca qaarado kala duwan oo ku xiran suuqa gawaarida ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Kororka dhaq-dhaqaaqa Lamu
Mas’uuliyiinta dekedda ayaa sheegay in jasiiradda Lamu ay filayso toddobaadka soo socda markab kale oo xamuul ah, kaas oo wada ilaa 5,000 oo baabuur.
“Weli waxaa badda ku jira maraakiib sida xamuul ku socday waddamada Khaliijka, balse maadaama ay xaaladdu halkaas ka sii dartay, maraakiibtaasi waxay intooda badan uun dhex wareegayaan ama sabbaynayaan badda,” ayuu yiri Cabdicasiis Mzee, oo ah Maareeyaha Dekedda Lamu, isagoo Arbacadii la hadlayay warbaahinta maxalliga ah.
“Ma ahan arrin la dabbaal-dego, sababtoo ah dadka halkaas ku nool dhibaatooyin iyo xaalado adag ayay wajahayaan, balse dhanka kale, inaga waa inoo fursad iyo duco ganacsi,” ayuu raaciyay.
Gawaarida ayaa lagu hayn doonaa dekedda ilaa iyo inta ay xaaladdu ka xasilayso, sida uu xaqiijiyay Mzee.
Dhanka kale, Hay’adda Dekedaha Kenya ayaa qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ee X ku sheegtay in Lamu ay “u diyaar-garowday koror xooggan” oo ku yimaada dhaqdhaqaaqa xamuulka sababo la xiriira dagaalka.
Mashruuca dekedda Lamu ayaa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay sannadkii 2012-kii, waxaana uu qayb ka yahay mashruuc weyn oo qiimihiisu dhan yahay 23 bilyan oo doollar, kaas oo isku xiraya waddamada Koonfurta Suudaan, Itoobiya iyo xeebaha Kenya, iyadoo dekedduna ay hawlaheeda shaqo si rasmi ah u bilowday abbaaraha sannadkii 2021-kii.
Maamulka dekedaha Kenya ayaa aaminsan in dekeddani ay isku diyaarinayso sidii ay u noqon lahayd xarunta ugu weyn qaaradda Afrika ee lagu kala wareejiyo xamuulka (transshipment hub) ee leh biyaha qotada dheer.

